Category Archives: somalia war

Taariikhda Ururka Al-shabaab & waxyeeladiisa somalia

Run ahaan Alshabaab waa dhalinyaradii, hadda dugsiyada sare ama jaamacadaha ku jiri lahayd oo ku dhacay debinka Al-qaacida, dadaalka ay ugu jirto in ay ballaariso aagga ay kala dagaallamayso Maraykanka iyo guud ahaan reer galbeedka.

Magacyada la beddeshay (Abu Mansoor, Abu Salma, Abu Quteyba, Abu Muxsin, Abu Zeynab,..) iyo isbeddelka sida loo lebisan yahay, loo hadlayo, intuba waxay tilmaamayaan in meel aan Soomaali ahayn lagu abtirsado, ujeeddo ka duwan tan Soomaaliyana abuuran tahay. Markaas, ‘Al Shabaab’ wuxuu noqonayaa urur mayal-adag iyo mintidnimo darteed uga
soocmay ururadii Islaamiga ahaa ee ka dagaalamayey Soomaaliya tan iyo 1991kii, sida Maxkamadaha, Al Aslaax, Al Itixaad iwm. Waxaa hoggaamin jiray Aaden Xaashi Cayrow (Abu Muxsin Al-ansaari) iyo Sh. Xasan Afrax, ku xigeen.

Ujeedada Ashabaab:

Waxaa ka mid ah in ay
iyagu waddanka xukumaan, ciddii aan iyaga raacsaneyna ama ka fikrad duwanna la
dilo.
In shisheeyaha lala dagaalamo, ha noqdo mid Soomaaliya doonayo in ay
nabad ka dhalato iyo mid aan dooneynba.
Inaan xiriir lala sameysan karin
dalalka aan muslimka ahayn.
Soomaalida qabta in adduun-weynaha lala
macaamilo oo xiriir lala sameysto, ay yihiin Saliibiin ama gaalo-raac, loolana
dhaqmo sida gaalada kale.


Sidee xubin looga noqdaa?

Ma hayno tirada xubnahooda iyo hoggaanka sare ee ururka, waxaase sugan in Ashabab u badan yahay dhalinyaro da’doodu aad u yar tahay, una dhaxeyso 14 jir ilaa 22 jir.

Intooda badan waalid ku talo maahan, waxaana caqli-xada xubno ka mid ah kuwii ka soo soocmay ururada aan kor ku soo sheegnay, oo iyagu dad waaweyn ah, kana shaqeeya soo xareynta dhalinyarada da’da yar.

Haddii lagaa helo oo lagu bogaadiyo, waxaa lagu siinayaa tababar 3 bilood ah iyo
lacag fiican oo doollar ah, waxaana lagugu xareynayaa xeryo ku kala yaalla
degaannada Baraawe, Marka iyo Raaskamboni, midkood. Muqdishu haddii aad joogtana xarun ku taal Madina ayaa lagugu tababarayaa. Waxaa kaloo tababar 3 – 7 maalmood ah

Cadowga 1aad ee Ashabaab

Marka laga reebo ciidanka shisheeye ee dhowaan un yimid Soomaaliya, Cadowga koowaad ee Al Shabaab waa aqoonyahanka, saraakiisha, ganacsatada iyo waxgaradka, iyagoo ula baxay magacayada ah Cilmaani, Salibiyiin, Ridada iyo kuwo kale.
Waxaa Shirqool lagu dilay saraakiil sare oo oo dalka qiimo weyn u lahaa, waxaana ka mid ahaa:

  1. Gen Harag-shabeel,
  2. Gen Jilicow
  3. Gen Maxamed Cabdi,
  4. Gen. Sareenle,
  5. Col Garam Karam
  6. Col Seerjito
  7. Cali Iimaan Sharmaarke- Horn Afrik
  8. Mahad Axmed Cilmi- Horn Afrik
  9. Prof Cabdulqaadir, Machadka Simad ee Muqdisho
  10. Cali Muxyaddeen- Afhayeen Gobolka Banadir
  11. Da’uud Xasan – Maamulka Dugsiga Beledweyne
  12. Cabdulqaadir Yaxye – CB Nabadda
  13. Cabdalla Deerow Isaaq- Wasiirkii Dastuurka
  14. Guddoomihii Degmada Ceelbuur,
  15. Guddoomiyii Maxkamadda Degmada Beledweyne,
  16. Taliyihii Taliska Ciidanka Gobolka Hiiraan.

Sidoo oo kale, waxaa la khaarajiyey ilaa tobaneeyo guddoomiye iyo ku xigeenno ee Degmooyinka G/Banaadir. Waxaa kaloo la dilay madax kale oo ka tirsanaa Maamulka Gobolka, Guddoomiyaha Gobolkana dhowr jeer baa la sigay. (sourse kasomo newspaper may 2008)

Dilka saraakiisha, Madaxda iyo aqoonyahanka kor ku xusan, badankood waxaa qirtay Ashabaab, welina waa socotaa magacyada dadka la dilay, kuwo kalena waa ku soo biiri doonaan


Ciidan Itoobiya oo Ku soo Noqday Hiiran

Cutubyo ka tirsan ciidamo meleteriga Ethiopia oo wato gaadiidka dagaalka iyo kuwa qaado saanadaha ciidamada ayaa saakay waqti hore soo dhoobtay isgoyska Kala-beyr ee Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo markii ay soo degeen halkaasi isku fidiyay dhulka howdka ah iyo buuraha ku dhaw isgoyska Kala-beyr ayaa baaritaano ku bilaabay gaadiid mara halkaasi iyadoo ilaa haatan la ogeyn sababta keentay in ay halkaasi soo degaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadan oo lug iyo gaadiid ku yimid halkaasi
markii ay soo galayeen ay ka yimaadeen dhinaca iyo Degmada Feer-feer ee dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxaana ciidamadani wehliyay sida Dadka qaar ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkii hore ee Gobolka iyo ciidamo tiro yar oo la socda saraakiisha maamulkii hore.

Isgoyska Kala-beyr oo ah goob istaraatiji ah oo kala qeybiso wadada dheer ee laamiga ah ee isku xirta Gobolada Waqooyi, kuwa Koonfureed iyo dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa laga yaabaa in ay ciidamada Ethiopia halkaasi mar walba sababta ay u soo dagayaan in ay ka dambeyso iyaga oo ka cabsi qaba in xoogaga hubeysan ee dagaalka mudada ay kula jireeen in ay u tilaabaan gudaha Dalka Ethiopa maadaama ay horay u dhacay in xoogaga hubeysan ay weerar hoobiyayaal ah ku qaadeen saldhigyo ay ciidamda Ethiopia ku lahaayeen Degmada Feer-feer ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Ururka Midowga Afrika ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsanaa qabsashada al-Shabaab ee magaalada Baydhabo

Kulan aan caadi ahayn oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu u arko qabsashada magaalada Baydhabo xaalad fowdo ah.

Bayaanka laga soo saaray shirkaasi waxaa lagu sheegay in kulanka ugu horeeya ee Madaxda Midowga Afrika looga hadli doono xaalada dalka Soomaaliya.

Kooxda al-shabaab ayaa qabsatay magaaladaasi Baydhabo ka dib markii ciidamada Itoobiyaanka ay ka baxeen magaaladaasi
labo habeen ka hor.

Midowga Afrika ayaa maalmo ka hor sheegay in uu qorsheynayo in uu ciidamo u soo diro dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Baydhabo si ay u ilaaliyaan ammaanka ka dib ka bixitaanka ciidamada Itoobiyaanka

Hey’adda CIA-da Mareykanka iyo shirkadaha la shaqeeya ayaa albaabada isugu dhufteen website- ururka alshabaab.

Hey’adda CIA-da Mareykanka iyo shirkadaha la shaqeeya ay albaabada isugu dhuftay fariisinka ay ururka alshabaab ku lahaayeen internet ka ee ahaa http://www.kataaib.net/

shirkadahan oo kahelay amar uga yimid dhinaca hay’ada sirdoonka marakanka(cia) ayaa albaabada u laabay boggi ay ururka alshabaab ku lahaayeen hawada,

hada kohorna waxay Warsaxaafadeed ay soo saareen Ururka Hubeysan ee Al-Shabaab Al-Mujaahidiin oo ay kaga hadlayeen fariisinkoodii Internet-ka oo la xiray.

Waxaa ay sheegeen in Hey’adda CIA-da Mareykanka iyo shirkadaha la shaqeeya ay albaabada isugu dhufteen website-koodii Al Mujaahid

Ururka Al-Shabaab oo sheegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay wadada Maka Al Mukarama ee magaalada Muqdisho

ururka a ee Al Shabaab oo ka mid ah kooxaha ayaa sheegatay iney ka dambeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay wadada shaqaalaha ee magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM ee dalka Somalia Cap. Bridge Bhuko aya sheegay ineysan jirin waxyeelo ciidamadooda ka soo gaartay qaraxaasi, isla markaana aysanba joogin goobta uu ka dhacay isagoo dhinaca kalena sheegay inuu og yahay oo kaliya dad rayid ah uu qaraxaasi qasaare xooggan ka soo gaaray
.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ::qaraxaasi waa fal xasuuq ah oo loola soo bareeray shacabka Somaliyed

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur) ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeen dadkii dhintay kuna kuna dhaawacmay qaraxii is miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay agagaarka guriga shaqaalaha oo ku yaala wadada Maka Al mukarama ee magaalada Muqdisho ka dib markii gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo lala beegsanayey ciidanad AMISOM ee halkaasi degan uu ku qarxay wadada bartamaheeda.

Dhagaxtuur ayaa ku tilmaamay qaraxaasi fal xasuuq ah oo loola soo bareeray shacabka Somaliyed sida uu hadalka u dhigay, isagoo ku eedeeyey iney ka dambeeyeen wax uu ku
tilmaamay kuwo arxan laaweyaal ah oo ka soo horjeeda una adeegeynin maslaxada umadda Somaliyeed iyo nabada la baadi goobayo, wuxuuna ugu baaqay shacabka Somaliyed iney meel uga soo wada jeestaan sidii kuwaasi loola dagaalami lahaa, wuxuuna sidoo kale ka codsaday beesha caalamka in arintaasi ay gacan ka siiyaan shacabka Somaliyed.

“Dadkii dhintay waaba dhinteen ALLAHA u naxariistee, kuwa dhaawacmayna waxaana u daad gureynay isbitaalada magaalada Muqdisho oo hadda lagu daaweynayo, waxaan ugu baaqayaa guud ahaan shacabka iney midoobaan, gurmadna u fidiyey dadka walaalahood ah ee ku dhaawacmay qaraxa, anaguna haddii aan nahay maamulka gobolka Banaadir gacan ayaan ka geysan doonaa kaalmeynta dadkaas” ayuu yiri Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Cismaan Cali (Dhagaxtuur).

10 killed in rebel-government clashes in Somalia

Islamic insurgents and Somali forces clashes in the capital Mogadishu have killed at least 10 people as rebels advance into areas controlled by the United Nations mission, a government official has reported.

The reports said out of the 10 people killed, three of them were civilians while the remainder were fighters.
An official said a group of armed militias attacked
government forces working at the checkpoint in the northern neighbourhood of Sinay late on Tuesday, while another fighting broke out in Medina, saying Tuesday evening clashes were the heaviest fighting in the capital since the government’s Ethiopian allies withdrew from Somalia earlier this month.

Islamist commander Sheikh Mohamed Ibrahim claimed government forces attacked his men at Police station in Madina neighbourhood, provoking his mento fight.

Last week, Islamist fighters waged an attack in the capital and took over some of the abandoned bases vacated by the Ethiopian troops. However, reports said rebels have also began to fight among themselves, with extremists hoping to oust the transitional government.

Ethiopian troops, who had invaded Somalia in late 2006 to support a weak transitional government and remove an Islamist militia from power, have pulled out of Mogadishu earlier this month.

Their withdrawal had been widely criticised by international communities, saying this could fuel more tensions and instability. However, Ethiopia’s withdrawal was cheered by Somalis as it was some of the prerequisite of Islamist rebels before they could append a signature on any peace deal.

The Horn of Africa nation has not had a functioning government for almost two decades since the clan-based militias overthrew the dictator in 1991.

Khilaaf ka dilaacay Asmara

Iyadoo Isbahaysiga ARS uu u kala jabay laba garab oo fariisimo ku kala leh Eritrea iyo Jabuuti ayaa waxaa soo baxaya kala jab ku yimid fikir garabka ARS-Asmara.

Sheekh Xasan Mahdi iyo Zakariye Max’ud X. Cabdi ayaa dhawaan warbaahinta isku mariyay hadalo kulul oo uu mid walba ku weerarayo mas’uulka kale, iyadoo hadaladaas ay u muuqdeen in mid walba uu midka kale ka saarayo Isbahaysiga.

“Isbahaysiga ARS-Asmara wuxuu diyaar u yahay inuu wadahadalo la furo garabka kale ee Isbahaysiga, maadaama ay Ethiopia ka
baxday Muqdisho iyo qaybo ka tirsan dalka, loomana baahana dagaalo dambe oo dalka laga huriyo” ayuu yiri Zakariye Max’ud X. Cabdi.

“Zakariye waa mas’uul aan ku hadli karin magaca Isbahaysiga, waana cilmaani aanan garanayn halka uu Isbahaysiga kasoo galay, hadafkeenu waa mid, waxaana sii wadaynaa dagaalada Muqdisho” ayuu yiri Sheekh Xasan Mahdi oo Muqisho ku sugan.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay si weyn uga kala fogaadeen fikirka, iyadoo dhawaanahan ay jireen shirar hoose oo uu Sheekh Shariif la lahaa xubno ka tirsan Isbahaysiga ARS-Asmara oo uu hogaamiyo Sh. Xasan Daahir Aweys.

Warar hoose ayaa sheegaya in garabka Isbahaysiga ee Sh. Xasan Daahir loo qoondeeyay 17-xubnood oo ka mid ah xubnihii xildhibaanada ahaa ee lagu ARS ay ku qaybsatay Jabuuti; inkastoo aan la sheegin inay aqbaleen iyo in kale.

Xubno uu ka mid yahay Sheekh Cumar Iimaan oo hogaaminaya Maxkamadaha garabka Asmara ayaa laga filayaa inuu dhawaan ku biiro Isbahaysiga Shariifka, kadib wadahadalo hoose oo u bilowday isaga iyo xubnaha ARS-Jabuuti.

Video: Islaamiyiinta Somaliya oo bireynaya muwaadin Somali ah

Kooxaha Islaamiyiinta Somaliya ka dagaalama ayaa sida Filmkan ka muuqata bilaabay in ey bini`aadamka bireeyaan, iyadoo naqshadanina u muuqato in laga soo min guuriyay kooxahihii ka dagaalami jiray dalka Ciraaq.

DIGNIIN: Fadlan Ha daawan hadaad adkaysi lahayn oo aad ka naxi doontid sawirada

WARNING: please don’t watch if your heart is weak >>>

Al-Shabab oo togasho ku dishay Wal-diire

Urur isku sheega Al-Shabaab ee gacanta ku haya Gobolka J/hoose ayaa galabta 16/01/2009 meel fagaare ah ku toogtay Allaha u naxariistee C/raxmaan Xaaji Axmed Waldiire oo ahaan jiray Afhayeenkii Isbaheysiga Dooxadda Jubba ee Barre Hiiraale hoggaamin jiray.

Dilka C/raxmaan Waldiire ayaa waxay u cuskadeen Ururkaan
inuu ahaa Basaas u adeegayey wax ay ku sheegeen Caddowga gaalada Ethiopia iyo Barre Hiirale, waxayna faafiyeen in Marxuumku uu qirtay danbiguu galay lagana hayocajalad cod ah isagoo ku dhawaaqayo Ashahaadka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dilka Marxuumkan ay ka dhacday meel bannaan ah oo aan dadi arkeyn, waxana falkani uu soo shaac baxay saacado kadib markii la toogtay, iyadoo dad badani ay gelisay kalsoni xumo iyo cabsi hor leh oo ay ka qaadeen Maamulka Kismayo maamula.

Allaha u naxariiste C/raxman Xaaji Axmed Waldiire waxaa uu xiriir aan dhow la lahaa Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale.