Category Archives: africa News

Ciidan Itoobiya oo Ku soo Noqday Hiiran

Cutubyo ka tirsan ciidamo meleteriga Ethiopia oo wato gaadiidka dagaalka iyo kuwa qaado saanadaha ciidamada ayaa saakay waqti hore soo dhoobtay isgoyska Kala-beyr ee Degmada Jawiil ee Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan oo markii ay soo degeen halkaasi isku fidiyay dhulka howdka ah iyo buuraha ku dhaw isgoyska Kala-beyr ayaa baaritaano ku bilaabay gaadiid mara halkaasi iyadoo ilaa haatan la ogeyn sababta keentay in ay halkaasi soo degaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciidamadan oo lug iyo gaadiid ku yimid halkaasi
markii ay soo galayeen ay ka yimaadeen dhinaca iyo Degmada Feer-feer ee dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia waxaana ciidamadani wehliyay sida Dadka qaar ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkii hore ee Gobolka iyo ciidamo tiro yar oo la socda saraakiisha maamulkii hore.

Isgoyska Kala-beyr oo ah goob istaraatiji ah oo kala qeybiso wadada dheer ee laamiga ah ee isku xirta Gobolada Waqooyi, kuwa Koonfureed iyo dhulka ismaamulka Soomaalida Ethiopia ayaa laga yaabaa in ay ciidamada Ethiopia halkaasi mar walba sababta ay u soo dagayaan in ay ka dambeyso iyaga oo ka cabsi qaba in xoogaga hubeysan ee dagaalka mudada ay kula jireeen in ay u tilaabaan gudaha Dalka Ethiopa maadaama ay horay u dhacay in xoogaga hubeysan ay weerar hoobiyayaal ah ku qaadeen saldhigyo ay ciidamda Ethiopia ku lahaayeen Degmada Feer-feer ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Ururka Midowga Afrika ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku saabsanaa qabsashada al-Shabaab ee magaalada Baydhabo

Kulan aan caadi ahayn oo ka dhacay xafiiska guddoomiyaha Midowga Afrika ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu u arko qabsashada magaalada Baydhabo xaalad fowdo ah.

Bayaanka laga soo saaray shirkaasi waxaa lagu sheegay in kulanka ugu horeeya ee Madaxda Midowga Afrika looga hadli doono xaalada dalka Soomaaliya.

Kooxda al-shabaab ayaa qabsatay magaaladaasi Baydhabo ka dib markii ciidamada Itoobiyaanka ay ka baxeen magaaladaasi
labo habeen ka hor.

Midowga Afrika ayaa maalmo ka hor sheegay in uu qorsheynayo in uu ciidamo u soo diro dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Baydhabo si ay u ilaaliyaan ammaanka ka dib ka bixitaanka ciidamada Itoobiyaanka