Cudurka Buufiska iyo qeebihiisa

Saan ogsoonahay cudurka buufiska ah waa qeeb ka mida waalnida, Soomaali hadaanu nahay, waxaanu naqaanaa qof fayoow(miyir qabo) iyo qof waalan oo la xirxiro, intaas wax ka dhaxeeya Soomaali hadaan nahay maba aaminsanin!

Sidaa darteed, cudurka buufiska la yiraahdo ayaa qeebihiisa sii batey marka la sii tix-raacey.
Maxaad ka taqaanaa cudurka buufiska ah iyo qeebihiisa kala duwan bal
Tusaale ahaan qormadan yar eeg, waa qeeb ka mida buufiska caanka ee
ah “inuu qof is moodo wux uusan aheyn” waa cudur halis ah!

Waxaa jiray nin ismooday inuu yahay xabbad masago ah, inuu qof yahayba iskuma uusan maleen jirin. Nin wuxuu ahaa sidiisa kale caadi u ah oo fayow oo aadan wax yarna ka dareemayn. Dhibta keliya ee ninkaas haysay waxay ahayd Digaagga oo uusan arki karin oo uu ka baqayay inay gaf siiyaan( oo cunaan!),

cabsidiisa koobaad taas ayey aheyd, sidaa darteed ayuu isku moodey inuu yahay xabbad masago ah.

Isbitaal baa la geeyey oo muddo dheer la daaweynayey oo laga dhaadhicinayey inuu qof yahay. Ugu dambaystii, markii imtixaankii laga qaaday uu ku gudbay oo la yiri waad bixi kartaa, buu inta dhaqaaqay haddana dib usoo noqday oo takhaatiirtii su’aal waydiiyay:

Anigu hadda waan fahansanahay inaan qof ahay, laakiin digaagga ma loo sheegay inaanan masaggo ahayn !!!”. Isbitaalkii baa lugu ceshey

Kalmada buufiska, waxee noqotay kalmad dadka badan isticmaalan oo aan looba arkin in uu cudur yahay.Dhibaatoyin badan beyleeyihin cudurada buufiska ama maskaxeed.Marka waan in aan kawarqabno qeybabka cudurka buufiska iyo calaamadihisa.

waa in aanan iska dhaadicsin in qof miyir qabo ama waalan kaliya jiraan.

Marka buufis ama isku buuq maxey yihiin ,sidee u kalabaxaan iyo sideebad lagu gartaa.

1-Buufis ama isku buuq(depression) qaybabkiisa waa kan:
2-Cudurada suuro(Mood disorders)—>
3-ISku buuq weyn(Major depression) iyo isbadal dabeecadeed(Bipolar disorder)
4-Isku buuq bacdal umul(postnatal depression)

blockquote>

Nin baa hada ka hor asagoo oo koob caana cabayo ayaa waxaa kor ka soo dhaceey baranbaro markaasey baranradii wajigiisa ku dhacdey balse dhinaca kale ayey u faniintey, ninkii wuxuu iska dhaadhiciyey in ay baranbaradii ay koobkiisa ku dhacdey kadibna caanihii uu cabayey ay raacdey ilaa calooshiisa,

Ninkii baa qeela halkan la fadhiistey, oohin, dagaal, baranbaradii waan arkayey markey dhuunteyda galaysay oo waa tan caloosheyda iyo xididadeyda ayey jaqeysaa oo xiidmihii ayey dhaarineysaa oo ay jarjareysaa, ninkii tacbaan ayuu noqdey suu u qeelinayey “hala iga soo saaro baranbarad“, iga soo bixiya, naf iguma jirto.ninkii isbitaalka banadir ayaa la keenay, oo dhakhataiirtii oo dhan ayaa raajo iyo wiisito wax kasta lagu eegay, waxba waa laga waayey,

dhakhaatiirtii buu ku yiraahdaa wey igu jirtaa baranbarada wey i jarjaraysaa socodkeeda ayaan dareemayaa ee iga soo bixiya

tab la dhaho marka la waayey, ayaa dhakhtarkii shiineeska ahaa go’aansadey in ninkan uu hayo buufis iyo cilmu nafsi iyo shaki weyn, kadib shiineeskii baa ninkii ku yiri seexo

inta tuubo dheer afka laga galiyey la yiri waan kaa soo saareenaa intaan xoog kaaga matajino, waa la suuxiyey, dhakhtarkii baa baranbaro caadi ah soo qabtey, ninkii baa xoog looga matajiyey, matagiisa ayaa la dhax dhigey baranbaro weyn oo dhaqdhaqaaqeeso ku dhax ordeyso meeshuu ninka ku matagay, ninkii baa inta soo toosey yiri “maxaan idiin sheegay waxa intaa la eg baa igu jirayee oo jirkeygi jarjarayay

marka ay kaa jajabsan tahay ama aad murugeysan tahay waa dareen qof kasta saameyn karta. Waana caadi iney qeyb ka ahaato caadifada kala duwan ee dadka soo mara. Waana caadifo ama dareen faa’iido leh.

Waxeyn toban-jirka garansiisaa mushkilooyinka iyo sida dhibaatooyinka loo qaabili lahaa. Hadii murugada buufiska ay tagi weyso ama caqabad ay ku noqoto hawl maalmeedka, markaa waxaa qasab ah in buufiska la ogaado lana daaweeyo. Marka barbarka dareenkiisa uu qaso wax qabadkiisa, waxey taa tilmaameysaa in caadifad ahaan uu si daran u jaha wareersan yahay.

Calaamadaha Buufiska

Calaamadaha buufiska si kala duwan bey uga mooqan karaan qofka siiba caruurta barbaarta . Waxaana ka mid ah calaamadahaas :

  • Dhibaatooyin hurdo la’aan waqti dheer ku haysa, hurdo badan, ama hurdada oo kaa qasanta.
    Dhibaatooyin khuseeya rabida cuntada oo kana isbadal miisaanka qofka.
    Heerka tabarta oo kordha, waxaana ka mid ah:kacsanaan, xasilooni daro, hor iyo gadaal u socosho.
    Luudid, sida dhaqaaqa jirka oo aad u tartiibisid ama hadalkoo gaabis noqda.
    Daal, tabartoo lunta, ama tabar la’aan.
    Dareemid wax matarnimo ah, isyasid, ama iskukalsoonidoo la waayo.
    Dambi dareemid.
    Isku koobidda oo lunta.
    Dareen buufis leh sida oohin badan ama murugo.
    Nolashoo laga quusto.
    In lagu walwalo dhimasho ama isdil.
    Xiisaha aad u qabtay waxaad rabtay oo ah, dadka, ama firfircoonida oo la waayo.

Calaamadaha la socdo

In la ogaado buufiska ku dhaca dadka waaweyn waa dhib. Waxaana sii dhib badan buufiska barbarta sida lagu ogaan lahaa. Barbartu, awoodda lagu fahmo caadifada weli uma dhameystirmin. Waxaa badan iney si kale u wareejiyaan ama ay fara ka hadal ahaan u muujiyaan dareenkooda. Barbaro badan oo buufis qaba waxaa laga yabaa iney dadka kale ula ekaanin iney murugeysan yihiin. Waxaa laga yaabaa in waalidka iney taa ogaadaan ay dhib ku noqoto. Waxaa jiri kara calaamado kale oo waalidka uga digi kara buufis inuu jiro. Kuwaas waxaa ka mid ah:

Calaamado jirka quseeya, sida madax xanuun ama calool xanuun
Dagaal jaceyl, xanaaq, ama dhirif.
Si fudud u xanaaqid-dabeecad la’aan. Sida dhaliisha oo aan la xamili Karin
Mucaaradnimo, sida diididda wax wada qabsiga
Mashaakil ijtimaaci ah sida caro, dadka oo layska faquuqo ama rabitaan ah in guriga laga cararo

Maxaa sababa buufiska

Si sax ah uma cada sababaha keena buufiska, inkastoo aan naqaan waxyaabo qeyb ka geysta jiritaankiisa. Noocyo buufiska ka mid ah waxa loo maleeyaa in leyska dhaxlo oo waxa badan in qof ama wax ka badan oo hal reer ka tirsan ay buufis qabaan. Buufiska waxuu calaamad u noqon karaa dhibaato jireed, sida jiro ama naafanimo. Buufisku waxuu xiriir la yeelan karaa ama uu ka dhalan karaa cudur maskaxeed ah.

Hadii laysla barber dhigo wiilasha iyo gabdhaha, Buufiska waxuu inta badan ku dhacaa gabdhaha, inkastoo sababtu aysan cadeyn. Baarayaasha qaarkood waxey soo jeediyeen in gabdhaha ay u nugul yihiin buufiska sababo jirka la xiriira ama nafsaani ah. Kuwa kalana waxey maleynayaan in ogaanshaha buufiska wiilasha uu adag yahay sidiisaba.
Mararka qaarkood buufiska waxuu qeyb ka yahay mashaakil nafsaani ah. Tusaale ahaan, isyasid ( negative self concept ) waxey la socotaa inta badan buufiska. Walwal ama jug kaala so gudboonaato deegaanka waxey iyaguna la xiriiraan buufiska. Barbarku, isbadalada lasoo gudboonaada waxey ka qeyb qaataan wareerka iyo qaska caadifiga ah. Barbarku markuu baaluqayo, waxaa iska hor iman kara ama hardami kara sida wax loo qiimeeyo loona heli karo ujeedada ka dambeysa jiritaanka. Mashaakilada xiriirka khuseeya ama dareen faquuqsanaan ah, wuu ku badan yahay barbarta. Waxyaabahan caadifiga ah ama nafsaaniga ah waxey ka qayb qaataan buufiska.

Waalidku maxay qaban karaan

Faraha kula jir.

Raadka ay waalidku ku leeyihiin waqtiga ay suurtogal tahay in jahwareer weyni yimaado, waxey muhiim u tahay barbaarinta da’yar caafimaad qabto. Inta badan waalidka markey arkaan in ilmahooda ay isku filnaanayaan, faraha ayay noloshooda ka laabtaan. Waxa ugu muhiimsan ee waalid uu smaeyn karo, waxey tahay iney faraha kula jiraan ooy waqti la qaataan barbartooda.
Taageer xiriirada wanaagsan.
Barbartu waxay u baahan yihiin dareenka ah iney wax uun ka tirsan yihiin. Xiriirka ay la’leeyihiin facooda waxuu muhiim u yahay sidey arintan ku sameyn lahaayeen. Waalidka waa iney barbartooda ka taakuleeyaan sidii ay ku heli lahaayeen wax yaabo xiiso geliya ama nashaadaad siiya fursado ay kula xiriiraan focooda oo kale.
Sii fursado ay waqti kula qaataan saaxiibadood. Barbartu waxay u baahan yihiin akhyaar kale oo iyaga daneynaya ooy aamini karaan. La kulanka akhyaartan waa in la dhiiri galiyaa si loo hago noloshooda iyo si xasilooni loo siiyo.

Dhageyso.

Waalidka waa in diyaar u noqdaan markay dhalintu u baahato iney kala sheekeystaa mashaakilada soo wajahaya. Barbartu in noloshooda su’aalo laga weydiiyo iyo in jawaabahooda la dhageysto waa muhiim. Dhageyso dhibaatooyinkooda; kana kaalmee sidii ay xal mashaakilkooda ugu heli lahaayeen.
Noqo mid garta calaamadaha ka diga buufiska. Hadii barbartu uu soo hadal qaado inuu isdilaayo, ha dhayalsan.

Goormee Kaalmo la raadiyaa

Hadii kuraygaagu uu muujiyo calaamadaha buufiska, waa inaad la xiriirtaa dadka aqoonta u leh. Xataa hadii buufis uusan hayn, in lagaala taliyo caafimaadka maskaxda waxuu ku fahamsiinaa mashaakilada ay waajahayaan toban-jiradu iyo sidii aad wax uga qaban laheyd. Hadii toban-jirku uu diido in wax loo qabto, waa muhiim in waalidka ay helaan musaacadada ay u baahan yihiin si ay u daryeelaan ilmahooda.
Hadii toban jirku uu muujiyo dhibaatooyinka soo socda wax ka mid ah oo isla markaana ay carqalad ku noqdaan nolol maalmeedkiisa, si deg-deg ah waa inaad ula xiriirtaa dadka shaqada ku leh:

  1. Hurdada oo isbadal weyn ku yimaado
    Cabasho xagga jirka ah oo joogto ah
    Cunto macaansiga oo isbedela
    Wax isku koobid la’aan
    Inuu ka wawalo dhimasho ama isdil
    Muuqaalka oo isbedela
    Dhalanteed(Illusion-In loo fikiro si aan macquul aheyn)
    In wax aan jirin aad maqasho ama aragto
    Saaxibada oo uu ka go’o
    Isbadal laxaad leh oo ku yimaada sida uu u dhaqmayo
    Mashaakil xagga dugsida ah ( madarasada )

In qofkaad is jecleydeen kala hartaan, isbadal reerka ku yimaada, qofaad jecleyd oo kaa dhinta, iyo khasaarooyin kaleba way uga daraan buufiska waxeyna sii kordhiyaan isdilka. Cudur dhimirka ku dhaca ama jirka iyaguna waxey kordhin karaan buufiska.
Daaweyn

Daaweynta buufiska waxey noqon kartaa: Therapy, iyo daawo qaadasho. Daawada buufiska waxey wanaajisaa qeybta kimikada neerfayaasha taana waxaa la socota iney ka soo rayn karaan wax badan oo ka mid ah buufiska calaamadihiisa.

Daaweynta buufiska ee ugu waxtarka badan waxey iskugu jiraan daaweyn (medication) iyo daaweyn- nafsaani ah (Therapy) . Therapy-waxaa ka mid ah daaweynta dhimirka(Psycotherapy) iyo hadal ku daaweyn (Talk Therapy). Daaweyn (Talk Therapy). Daaweynadan waxay Toban jirka fahamsiiyan manbaca ama meesha uu ka soo askumay buufiska iyo sidii loo xalin lahaa mashaakilada kale ee asaaska u ah. Waxey kaloo baraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen calaamadaha buufiska. Daaweyn fikireed iyo dhaqameed (Cognitive Behavioral Therapy) waxay toban-jirradu ka kaalmeysaa sidii ay u badali lahaayeen fikirka iyo dhaqanka wax ka geysta jiritaanka buufiska.

Posted on February 16, 2009, in Arimaha Bulshada, caafimaad. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. ahmed mmohmed jama

    waxaan jeclestay in aad si faahfaahsn aad mowduucaa iila socodsiisaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: