Shiikh Shariif oo Beelaha Abgaal iyo Xawaadle ka codsaday dhismaha Maleeshiyo daacad u ah Isbahaysiga.

Gudoomiyaha Mucaaradka Somalia Garabka Jabuuti ku sugan ayaa weli Magaalada Muqdisho kawado dhaq dhaqaaqyo uu kula kulmayo Beelaha Soomaaliyeed iyo Ururada si ay taageero u helo.

Hotelka Lafweyn Waqooyiga Magaalada Muqdisho uu uu Shiikh Shariif deganyahay waxaa kusoo qul-qulayo Odayaal dhaqmeedyo iyo Ururo doonayo in ay taageera umuujiyaan Shariifka.

Shuukh Shariif oo Warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in uu kalamo laqaatay Beelaha Abgaal iyo Xawaadle islamarkaana ay ku Taageereen arrimaha Dib Uheshiisiinta uuwado.

Wararka qaar ayaa sheegayo in Shiikh Shariif uu ka codsaday Beelaha Xawaadle iyo Abgaal in loo dhiso Ciidamo ugaar ah Isbahaysiga taasna laga Aqbalay.

Posted on December 13, 2008, in Somali News. Bookmark the permalink. 1 Comment.

  1. MAXKAMADII MUNAAFAQIINTA Waa maxkamadii munaafiqiinta oo uu iska leeyahay Xisbu Shaydhaan (Satanic Party). Waa Maxkamad Muslim iyo Gaalba ay la yaaban markay maqlaan cadaaladaradooda, waa maxkamad sharci Muslim iyo mid gaal midna aanku shaqaynin. Waa maxkamad magaca diinta Islaamka ku qaraabata laakiin haba yaraatee aan waxba kaga dhaqmin shareecada Islaamka oo weliba ku badalatay mabda’ii Abuu jahal iyo Mushrikiinal Carab ee ku salaysnayd in aan wax wanaaga iyo khayr aan qofna laga maqlin oo xitaa Rasuulkii (csw) Ilaahay (sw) u soo direy ay yiraahdeen ku buuqa si aan khayrka uu sheegayo loo maqlin iyo siyaasadii sharka, shaydhaanimada, dulmiga, dhiigyacabnimada, xukunboobka iyo khayrdarada ku salaysneed ee uu dejiyey faylasuufkii talyaaniga ee lagu magacaabi jirey makafeeli (Machiavelli). Waa maxkamad Ragga matalaya aan marna cadaalad aan looga fadhiyin. Meesha ay degaaan oo saldhig ka dhigtaan dulmiga ayaa ka toosa, ama ha ahaato masaajid Ilaahay, ama madarasad, ama jamciyad ama machad Isaami ah. Meeshay degaan balaayaa degtay oo shaydhaan,belaayo iyo dulmigaa ka tooso. Waa maxkamad dulmi ku bilaabata kuna dhamaata, waa maxkamad aan dacwadaada marna aan lagaa dhagaysanayn oo aan laguu ogolayn in aad hadasho oo waxa jira iyo waxa aad tabanayso aad sheegato intaan lagu xukumin ka hor. Waa kuwa ugu sharta badan khalqiga Ilaahay meesha aan degenahay inta magac muslim sheegata intaan ogsoonahay. Waa dad isu bahaystay shar iyo dhib in ay ula taagnaadaan muslimiinta, oo au ku dadaalaan siday u majaxaabin lahaaheen qofkasta oo muslim ah oo diida in uu ku biiro oo uu xubin ka noqdo Xisbu Shaydhaanka (Satanic Party) ee ay ka tirsan yihiin. Sharka deeqsiyiin bayku yihiin wanaaga iyo khaykana bakhiiliin. Walaal isbarbardhig aayadaan iyo belaayadaan taagan oo xoog ku qabsatay qaar masaajideena ka mis ah. الْمُنَافِقُونَ وَالْمُنَافِقَاتُ بَعْضُهُم مِّن بَعْضٍ يَأْمُرُونَ بِالْمُنكَرِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمَعْرُوفِ وَيَقْبِضُونَ أَيْدِيَهُمْ نَسُواْ اللّهَ فَنَسِيَهُمْ إِنَّ الْمُنَافِقِينَ هُمُ الْفَاسِقُونَ (9:67) “Munaafiqiintu rag iyo haweenba qaarkood qaarka kale yuu ka ahaaday waxayna faraan xumaanta, waxayna ka reebaan wanaaga, waxayna laabaan gacmahooda (wax ma bixiyaan) Eebayna halmaameen isna aabayeeldarro yuu kula dhaqmay, munaafiqiin iyaga unbaa faasiqiin ah.” Waa maxkamad ay aad iyo aad ula yaabaan qofkasta oo looga sheekeeyay. Waa maxkamad ka liidata maxkamad kasta oo aad maqashay ama aad aragtey. Waa maxkamad qofka la xukumayo danbigiisa aan la garanaynin. Waa maxkamad kuwa wax xukumaya aysan aqoon waxa ay xukumayaan isla markaana aan loo ogolayn in ay akhriyaan dacwada ay xukumayaan, sababtoo ah haday akhriyaan qoraalka diidaya taageerada gumaysida qarsoon(tigreeyga khamiiska xiran ee magaca diinta Islaanka ku qaraabta “Al-Qaacida”) isla markaana baaritaana sameeyaan waxaa hubaal ah in ay Raggani wax badan fahmayaan oo hurdada ka toosayaan. In ay si buuxda uga caafimaadi doonaan khuraafaadkan diinta looga dhigay ee ah “ Carab luga dhaadheer baa kursi laga kecinayaa oo Carab luga gaagaaban baa lagu fariisinayaa waa cibaado oo Ilaaha (sw) Caadilka ah baa loogu dhowaanayaa; Carab reer waqooyi ah baa kursi laga kicinayaa oo carab reer koonfureed ah baa lagu fariisinayaa waa jihaad oo janno fardawsa ayaa lagu gelayaa, Al –Sacuud baa kursi laga kicinayaa oo Usama Bin Ladin iyo ururukiisa Al-Qaa’ida baa lagu fariisinayaa oo dan iyo maslaxo ayaa noogu jirta in aanu hawshaa ka qayb qaadano, danta noogu jirtaa maxay tahay aduun iyo Aakhiro, tiitiin siib, tiitiin talaal, tiitiin siib, tiitiin talaal tiitiiin siib, tiitiin talaal. Weligaa niman wadaada ah oo ka been badan ma maqashay? Weligaa niman wadaada ah oo ka khuraafaad badan ma aragtey?” Waa maxkamad aad isleeyahay xitaa shaydhaanku waa la yaabaa waxay nimankani masaajidka Ilaahay gudihiisa ku samaynayaan. Waa maxkamad saqiir iyo kabiirba ka yaabisa, waa maxkamad dhinackasta oo aad ka fiiriso ku yaab gelinayso. Waa maxkamad agteeda wax aan shar, khayrdaro, cadaalad xumo iyo dulmi oo keliya loogu yimaado, waa hoygii kooxaysiga iyo dulmiga, waa xaruntii khiyaamada iyo cadaalad darada, waa xaruntii dhexe ee xisbu shaydhaanka (Headquarter of Satanic Party). Waa maxkamad masaajid Ilaahay dhexdii lagu qabtay oo wax lagu xukumayo sharcigii carabtii mushrikiinta ahayd ee dagaalka kula jirey Ilaahay (sw) iyo diintiisii. Waa maxkamad hadii mar lagu soo taago wadaad danbe oo gadhweyn aadan aaminayn. Waa maxkamad hadii lagu soo taago aad markaad maqasho shareecada wax halagu xukumo aad si fiican uga fiiran midka khamiiska soo xirtey in uu daacad yahay oo uu run sheegayo iyo in uu yahay ergi shaydhaan (Evil envoy) oo xubin ka ah xisbi shaydhaan oo doonaya in uu ku hoos geeyo carab cunsuri ah oo gumaysi ah oo khamiis, cimaamad, muuqaal Islaam, af macaan, midnimo muslimiinta oo dhan, khilaafo iyo walaal tinimo been ah kugu siraya. Waa maxkamad aan jeclaan lahaa in aad goob joob u noqoto oo aad indhahaaha ku aragto wax walba oo magac diineed ku qaraabta khayr masoo wadaan, qaar ka mid ah shaydhaanka waxba kama duwana. Qaar kamid ah cadaalada wayba ka caroodaan oo maba maqli karaan wax cadaalad ah haba yaraatee. Waxay diinta islaamka u haystaan Salaad, Soon , gadhweyn oo lala baxo iyo qori la qaato oo xabad la diro. Maxaa qoriga loo qaadanayaa oo loo dagaalamayaa? Maba isweydiin, yaa cadaalad badan idinka iyo kuwaad la dagaala meysaan ee aad kuraasta isku haysataan? Hadaad tuug cayriso oo aad tuug kale loo xareysato maxaad soo kordhisey saw sheekadu maaha “kud ka guur oo qanjo u guur.” Rabbi talo ku filan ee maxaan sameynaa?Waxay doonayaan wax dulimigooda u sharciyeeya oo yiraahna indinkaa saxsan oo xaqa ku taagan. Waxay doonayaan in lagu mahdiyo wanaag aysan samaynin. Nin noolow maxaa aragti kuu laaban. Bal walaal is barbar dhig waxa ayadani ka hadalayso iyo waxay nimankani samaynayaan. لاَ تَحْسَبَنَّ الَّذِينَ يَفْرَحُونَ بِمَا أَتَواْ وَّيُحِبُّونَ أَن يُحْمَدُواْ بِمَا لَمْ يَفْعَلُواْ فَلاَ تَحْسَبَنَّهُمْ بِمَفَازَةٍ مِّنَ الْعَذَابِ وَلَهُمْ عَذَابٌ أَلِيمٌ (3:188) “Haw Maleyn kuwa ku farxa waxay la yimaadaan oo jecel in lagu mahdiyo waxayna falin haw malayn in ay ka nabadgeli cadaabka waxaana u sugnaadey cadaab daran.” Waa maxkamad afarta nin ee wax xukumaysa aysan aqoon u lahayn kiiska ay xukumayaan, hadaad weydiiso danbiga aad qofkan ku xukumaysaan ma garanaysaan waxay ku oronayaan sadex xaakimiinta ka mid ah maya, midka afaraadna wuxuu ku oronayaa waxbaan ka akhriyey laakiin qoraalka oo dhan ma wada akhrinin. Ilaahay baan kugu dhaarshey kuwaas cadaalada laga sugayaa maxay tahay? Maanta iyagoo ah masaakiin qaxooti ah oon waxba haysanin qofka cadaalad samayn waayey beri haduu madax noqdo wax cadaalada maka sugaysaa? Kuwan iyo tigreeyga umada baabi’iyey yaa cadaalad badan? Kuwan iyo shaydhaanka laga acuudi bilaysto yaa cadaalad badan? Maanta dhibaa taagan berina dhibkale ayaa soo socda oo kumani haday guuleystaan soo wadaan, oo qofkii gumaysigooga diida layskuba dayayaa in diinta laga fidneeyo sida shaydhaankii.Dhibay muslimiinta ula taagan yihiin habeen iyo maalinba. Rabbi (sw) isagoo nooga digaya kuwa dadka muslimiinta dhibka ula taagan waxay lee yihiin wuxuu yidhi. وَالَّذِينَ يُؤْذُونَ الْمُؤْمِنِينَ وَالْمُؤْمِنَاتِ بِغَيْرِ مَا اكْتَسَبُوا فَقَدِ احْتَمَلُوا بُهْتَانًا وَإِثْمًا مُّبِينًا (33:58) “Kuwa ku dhiba Mu’muniinta Rag iyo haweenba waxayna kasbanin waxay xambaareen been abuurasho iyo dambi cad.” Waa dulmiga kowaad in maxkadii Islaam sheeganaysay aanba loo ogalaan laba qof ee wax dhex mareen midka mid ah in uusan hadlin maxaa yeelay lacag ma haysto, waxaa hadli kara oo keliya carabka lacagta leh ama ninka ay kiresteen (calooshii u shaqayste) ee u hadlaya oo u taagan habeen iyo maalin danaha gumaysiga qarsoon. Walaal qofku markuu xanuun sado waxaa loo qoraa? waa dawo, saw maaha? bal kawaran dawadii haday xanuunsato maxaa la sameynayaa? Waxaa musliintu isku ogaayeen kitaabta iyo Sunnada Rasuulka(csw) hala raaco oo halagu dhaqmo, laakiin waxaa qaar ka mid ah ragga aqoonta diinta sheegta ku bedesheen kitaabtii Quraanka ahaana kartoon timir ah, Xadiiskii Rasuulkana xoogaa lacaga ah. Mabda aad iyo aad u foolxun oo ku dhisan calooshii u shaqeystenimo ah hadba kooxdii wax aduunyo isiisa ayaan la safanayaa oo af iyo adin dagaalka la gelayaa, walaal diinta ilaahay aynu dib ugu noqono. Haday laba kooxood oo muslimiin ah dagaal dhex maro maxaynu sameyneynaa? Ma hadba kooxdii xoogaa u dhiibta sheeqeena calooshii u shaqeysta ah ayaanu la safaneynaa? Dagaalka maanta u dhexeeya labadan kooxood ee muslimiinta ah ee kala ah Al-Sacuud iyo Usama Bin Ladin iyo ururkiisa Al-Qaacida xalka inala gudboon muxuu yahay? Maxaynu samaynaa? Taas Rabbi (sw) oo ina barayaa wuxuu yidhi:-وَإِن طَائِفَتَانِ مِنَ الْمُؤْمِنِينَ اقْتَتَلُوا فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا فَإِن بَغَتْ إِحْدَاهُمَا عَلَى الْأُخْرَى فَقَاتِلُوا الَّتِي تَبْغِي حَتَّى تَفِيءَ إِلَى أَمْرِ اللَّهِ فَإِن فَاءتْ فَأَصْلِحُوا بَيْنَهُمَا بِالْعَدْلِ وَأَقْسِطُوا إِنَّ اللَّهَ يُحِبُّ الْمُقْسِطِينَ (49:9) ________________________________________إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ إِخْوَةٌ فَأَصْلِحُوا بَيْنَ أَخَوَيْكُمْ وَاتَّقُوا اللَّهَ لَعَلَّكُمْ تُرْحَمُونَ (49:10) Haday laba qolo oo mu’muniinta ah dagaallamaan heshiisiiya dhexdooda, hadday midu ku xadgudubtay intay amarka Eebe ugu noqoto (xaqa aqoonsato), Hadday u noqotana si caddaalad ah u wanaajiya dhexdooda una garsoora, Eebe wuxuu jecel yahay kuwa garsooree. (Al-Xujuraat 9)Mumuniintu waa uun walaala, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Eebana ka dhawrsada, waxaad u dhawdihiin inuu idiin naxariistee. (Al-Xujuraat 10) Walaal balka waran sheekhii caalimka ahaa hadii uu aayadii si fiican u yaqaano macnaheeda iyo waxay ka hadlayso isla markaana intuu masaajidka dhex fariisto uu umada u fasirayo, laakiin ayaan daro marka masaajidka laga kala dareero oo nalka masaajidka la damiyo diintiina way dantay, oo xaqii waxaa lagu bedelay dulmi, xalaashii waxaa lagu bedelay xaaraan, cadaaladii waxaa lagu bedelay dulmi. Waxaa hubaal ah laba kooxood oo loolan siyaasadeed ka dhexeeyo oo waxay isku hayaan ay tahay siyaayad iyo kursi, oo weliba qolaba qolada kale dhiigooda xalaashatay, hadaad qolo walba aad warkeeda iyo dacaayada ay akhrinyaan dhageysato, waxay kuwa kale ku sheegayaan waxkasta oo xun oo qof bin aadan ah lagu sheego. Hadaba walaalkeyga muslimka ahow xalku muxuu yahay? Haday labadan kooxood ee muslimiinta ahi midka mid ahi kuu yimaadaan oo ay balaayo dhagaha kaaga akhriyaan xalku muxuu yahay? Miyaad iska rumaysanaysaa waxay sheegayaan? Ma seeftaad galka kala baxaysaa? Ma qori baad qaadanaysaa oo aad koox ka mid ah u dagaalmaysaa si aad dhiig muslim u daadisid? Taas Ilaahay (sw) ayaa na baray oo wuxuu yidhi:- يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا إِن جَاءكُمْ فَاسِقٌ بِنَبَأٍ فَتَبَيَّنُوا أَن تُصِيبُوا قَوْمًا بِجَهَالَةٍ فَتُصْبِحُوا عَلَى مَا فَعَلْتُمْ نَادِمِينَ (49:6) Kuwa xaqa rumeeyayow hadduu idiinla yimaaddo faasiq war, hubsada, si aydaan dad u dhibin ogaansho la’aan, markaasna aad shallaydaan waxaad fasheen.(Al-xujuraat 6) Walaal waxaa runtii ah wax aad iyo aad looga murugoodo markaad aragto qof muslim ah oo aqoonku filan diinta Islaanka u leh, markii cabsi uu ka baqayo in wax laga sheego darteed uu diintiisii ugu cararo iyo in uu garab istaago walaalkiisa xaqa ku taagan iyo gabanimodoonka u taagan inay dalkooda ka xoreeyaan labadan gumaysi TPLF iyo AL-QAACIDA. Walaal sidaas ogsoon tahay diinta Islaamku ma’aha soon iyo salaad oo keliya, ma’aha gadhka oo la siideysto iyo khamiis iyo cimaamad madaxa lagu xirto oo keliya. Walaal diintu sow ma’aha mabda’a qofka muslimka ahi uu ku dhaqmo dhibkasta oo jirana lagu xaliyo? Haday dad muslimiin ahi wax dhexmaraan ama aad aragto walaalkaa muslim ah oo wax khalad ah ku hadlay ama warqad ku qoray maxaad isticmaali lahayd? Maaxaad isticmaali lahayd oo aad dhibaatadan ku xalin lahayd? Ma waxaad isticmaali lahayd mabda’ii Nebi Maxammed (csw) ee ku dhisnaa cadaalada, sinaanta, is xaq dhawrka, iyo edebta, mise waxaad isticmaali lahayd mabda’ii Abuu jahal iyo carabtii mushrikiinta ahayd ee Nebi Maxammed (csw) dagaalka kula jirey ee ku dhisnaa in aan marna xaqa la maqlin, in aan qofka khayrka sheegaya hadalkiisa la maqlin, in waxa uu sheegayo loo diido in ay umada maqasho oo laga hor istaago, in lagu buuqo oo aan loo ogolaan in uu hadlo oo uu gartiisa sheegto. Sow mabda’a qofka muslimka ahi ma ahayn “Gar waa loo Islaam” sow xusuus ma mudna hadalkii awoowyadeen ee ahaa “Gartu Alle keliya ayay taqaanaa.” Marna sida libaaxyada ayuu u hadlaa oo guuxuusa ayuu ka dheereeyaa, marna hadal dicaayada oo laga fidiyey iyo harkiisa ayuu ka cabsanayaa oo wuxuu u ciyayaa sida guduudanaha. “Guduudane marbuu kugu noqdaa Aar gantaale.” Abaanduulihii umada oo harkiisa ka cararaya. Marka uu masaajidka makaroonfankiisa ku hadlayo wuxuu iska dhigayaa in uu yahay geesi afar xiniinyood leh iyo “Aarkii Afrika” marka ay isaga iyo ardaygiisu wada hadlayaan murugada, tiiraanyada, rafaadka ,cabsida, walwalka, walbahaarka, iyo waxa dhib wajigiisa ka muuqda waxaad moodaa daanyeer weyn (Gaaxuur) oo roob mahiigaan ah ku helay erigo’an cidla oo geed, guri iyo god laga gala midna helin oo dhibicdii oo dhan dushiisa ku dhamaatay, kadibna dhaxan aad u qabaw iyo gaajo daran isugu darsameen. Wuxuu ku farayaa cabsi oo wuxuu difaacayaa danbiilayaal dhiig yacabiin ah, oo wuxuu doonayaa in aan waxba laga sheegin gumaysiga kharsoon. Walaal waxaad isbarbar dhigtaa waxa ay aayadahani sheegayaan iyo waxa caawa taagan. إِنَّا أَنزَلْنَا إِلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ لِتَحْكُمَ بَيْنَ النَّاسِ بِمَا أَرَاكَ اللّهُ وَلاَ تَكُن لِّلْخَآئِنِينَ خَصِيمًا (4:105) وَلاَ تُجَادِلْ عَنِ الَّذِينَ يَخْتَانُونَ أَنفُسَهُمْ إِنَّ اللّهَ لاَ يُحِبُّ مَن كَانَ خَوَّانًا أَثِيمًا (4:107) ________________________________________يَسْتَخْفُونَ مِنَ النَّاسِ وَلاَ يَسْتَخْفُونَ مِنَ اللّهِ وَهُوَ مَعَهُمْ إِذْ يُبَيِّتُونَ مَا لاَ يَرْضَى مِنَ الْقَوْلِ وَكَانَ اللّهُ بِمَا يَعْمَلُونَ مُحِيطًا (4:108) “(105)Anagaa kugu soo dajinay kitaabka si xaq ah inaad ku kala xukunto dadka dhexdiisa wuxuu ku tusiyo Eebe, hana u noqonin khaa’in u doode.(106) Dembi dhaaf warso Eebe, Ilaahay waa dambi dhaafe naxariista.(107) Ha ka doodin kuwa khayaamay naftooda, Eebana ma jecla khayaamo badane Dambi badan.(108)Waxay iska qarin dadka iskamana qariyaan Eebe isagoo la jooga markay maamuli wuxuusan raali ka ahayn oo hadal ah, Eebena waxay camal fali wuu koobay.” Walaal bal ka waran hadii sheekhaagu markuu dadka wax u sheegayo uu wax wanaagsan umada u sheego, markii gooni ardaygiisa ula baxana wixii hada uu sheegayay wax lid ku ah oo ka soo horjeeda ayuu ardaygiisa ku waaninayaa. Oo umadii uu hadda markuu nalka daarnaa la hadlayey ayuu iska qarinayaa. Ilaahow sheedhaan wax ha noogu darin.Xisbu shaydhaanka qofkii ku biira in taan Aakhiraba la gaarin aduunkuu ku cadaaban yahay. Walaal bal kawaran haduu sheeqaagu markuu mekerefoonka masaajidka ka hadlayo uu umada oo dhan amrayo calool adeeg, geesinimo, isku kalsonaan uu umada oo dhan u sheegayo, markuu adiga keliya uu gooni kuula baxan uu ku farayo calool jileec, fulaynimo, kalsooni darro iyo carar, ha dadlin, wax ha qorin, hadaad wax qorto waana dacaayadeenayaa. Balka waran hadduu sheekhaagu diinta uu dadka u sheegayo uu isagu ku dhaqmeen? Sheekhu dadka khayrka wuu usheegaa laakiin isagu kuma dhaqmo.Rabbi oo arintaas nooga digayaa wuxuu yidhi. أَتَأْمُرُونَ النَّاسَ بِالْبِرِّ وَتَنسَوْنَ أَنفُسَكُمْ وَأَنتُمْ تَتْلُونَ الْكِتَابَ أَفَلاَ تَعْقِلُونَ (2:44) “Ma waxaad faraysaan dadka wanaaga oo aad halmaamaysaan naftiina idinkoo akhrin kitaabka miyeydaan wax ka sayn.” Balka waran hadduu sheekhaagu uusan daacad ahayn, diinta waa yaqaanaa, laakiin daacadnimo iyo isagu kala dheer, diinta wuu yaqaanaa dadka wuu usheegaa laakiin isagu kuma dhaqmo, wanaaga umada wuu faraa laakiin isagu kuma dhaqmo. Wuxuu dadka ku wacdiyaa in ay Sunadii Nebi Maxammed (csw) qaataan taas oo ah hadii qof muslim ah aad qalad ku aragto ha ahaato wuxuu ku hadlay ama uu qorey in aad si tartiib ah aad u waaniso oo aad waxa ugu sheegto taas oo Rabbi (sw) kitaabkiisa Quraanka noogu sheegay markuu yidhi:-فَذَكِّرْ إِن نَّفَعَتِ الذِّكْرَى (87:9) ________________________________________سَيَذَّكَّرُ مَن يَخْشَى (87:10) ________________________________________وَيَتَجَنَّبُهَا الْأَشْقَى (87:11) “(9) Ee wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu. (10) Waxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee. (10) Waxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune.” Jidkan toosani ee ay aayadani sheegeyso waa jidkii Allah (sw) na faray in aan raacno oo qabsano, markasta oo aanu ku aragno qof muslim ah oo walaalkeen ah waxa xun in aanu u digno oo ka waanino xumaaanta uu faraha kula jiro haduu naga qaato way fiican tahay, haduu diidana isaga ayaa qabriga la geli oo loo ciqaabi doonaa hadaan Rabbi (sw) u danbidhaafin. taas waxaan ula jeedaa in aysan marna nagu xambaarin in aan diinta dhinac marno oo aan mabaadii kale oo kasoo horjeeda diinta Rabbi (sw) aan mabda’ ka dhigano taas oo ah in qofka wax idin dhexmareen aad ku buuqdo, ku qayliso oo aad isticmaasho mabaaadii aad iyo aad u fool xun, wixii ay doonaan ha ku magacaabeen diin laa wayaasha , munaafiqiinta, gaalada iyo shaydhaamada qamiisyada xiran haday rabaan hayiraahdaan waa “psychological war ; political war; panic war” magacay doonaan ha ula baxeen ee waa siyaasad dulmi, khayrdaro, shar iyo xaqdaro ku salaysan oo ay isticmaali jireen carabtii mushrikiinta ahayd ee dagaalka kula jirtey diintii Ilaahay, isla markaana ku dadaalayay khayrka in aan la maqlin taas oo Rabbi (sw) Quraankiisa noogu sheegay markuu yidhi:- وَقَالَ الَّذِينَ كَفَرُوا لَا تَسْمَعُوا لِهَذَا الْقُرْآنِ وَالْغَوْا فِيهِ لَعَلَّكُمْ تَغْلِبُونَ (41:26) “Waxay dhaheen kuwii Gaaloobay ha maqlina Quraanka kuna qaylya (marka la akhrin) waxaad u dhowdihiin in aad adkaataane.” Walaal siyaasadaan foosha xun qofka ku dhaqmaa muxuu agtaada ka yahay? haday arin idin dhexmarto intaydaan kulmin ayuu qaar asxaabtiisa oo ay sharka isu bahaysteen ka sii dhaadhicinayaa wuxuu doonayay, kadibna markuu shirku furmo waxay doodu dhexmaraysaa adiga oo aan ogayn in ay raganni sii wada hadleen iyo in kale iyo in rag hore xumaantaada heshiis ugu ahaa in uu midba dhinac hadalka haaga keeno oo laguu diido in aad hadasho oo aad gartaada sheegato khaldanow ama saxsanow qof bini aadan ah ayaad tahay,laakiin maba laguu ogolaanayo in aad hadasho, sababtoo ah hadaad dadasho xaqa ayaad sheegeysaa dadkanina xaq ma rabaan.Walaal hadaad aragto dad sheeganaya in ay muslimiin yihiin oo kitaabkii Quraanka ahaa ku bedeshay kartoon timir ah, xadiiskii Rasuulkana(scw) ku bedeshay xoogaa lacag ah,maxaad samayn lahayd? Hadba ninkii xoogaa u dhiiba ayaa xaqa ku taagan oo ay la saftaan, haday boqortooyada Al-Sacuud wax siiso gar iyo gardaraba iyaga ayay garab taagan yihiin oo ay la safan yihiin habeen iyo maalin, dhinaca kale haddii nimanka mucaaradka ah ee u halgamaya in ay ku fariistaan kuraasta Reer boqor(Al-Sacuud) ee Usama Bin ladin iyo Ururukiis Al-Qaa’ida ay wax siiyan iyaga ayay la safan yihiin oo kabaha u sidaan, oo la safan yihiin habeeen iyo maalin, waa daneystayaal khaa’imiin ah oo magaca diinta Islaamka ku qaraabta. Waxa ay ka shaqeynayaan waa shar iyo dhiig muslim daadintiisa, Dadkani calaamadihii shaydaanka ayay leeyihiin ee ma shayaadiin insi baa, mise waxay ka amar qaataan shayaadhiinul jinni? Jawaawta adigaan kuu daayey.Walaal dadkani waxay ka dhex baxeen cadaaladii iyo dhex dhexaad nimadii tiirka u hayd diinta Islaamka eek u salaysnayd in aadan weligaa qofna ka eexan, qofna u eexan oo aad mar walba mabda’aagu uu ahaado “Gar waa loo Islaam”. Qofka diintiisa ka dhexbaxa Rabbi baa na baraya oo wuxuu yidhi:- وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ الَّذِيَ آتَيْنَاهُ آيَاتِنَا فَانسَلَخَ مِنْهَا فَأَتْبَعَهُ الشَّيْطَانُ فَكَانَ مِنَ الْغَاوِينَ (7:175) وَلَوْ شِئْنَا لَرَفَعْنَاهُ بِهَا وَلَـكِنَّهُ أَخْلَدَ إِلَى الأَرْضِ وَاتَّبَعَ هَوَاهُ فَمَثَلُهُ كَمَثَلِ الْكَلْبِ إِن تَحْمِلْ عَلَيْهِ يَلْهَثْ أَوْ تَتْرُكْهُ يَلْهَث ذَّلِكَ مَثَلُ الْقَوْمِ الَّذِينَ كَذَّبُواْ بِآيَاتِنَا فَاقْصُصِ الْقَصَصَ لَعَلَّهُمْ يَتَفَكَّرُونَ (7:176)“(175) Ku akhri korkooda kii warkiisa aan siinay Aayaadknaga oo ka siibtay shaydhaana uu raacay (isaga) noqdayna kuwa baadida ah.(176) Haddaan doono waanu koryeeli lahayn, hasa yeeshee wuxuu u iishay dhulka (Aduunyo jacayl) wuxuuna raacay hawadiisa, wuxuuna la mid yahay Eey haddaad erido wuu lalmin carrabka, haddaad deysana wuu lalmin, saasna waa masalka qoomka beeniyaey Aayadkanaga ee ugu warran qisooyin inay waantoobaan.” Walaal waxaa laga yaabaa in aad tiraahdo ragga aad sheegeysid anigu magaranayo,Sidaas awgeed waxaan jecelahay in aad kuu sheego tixdan gaaban ee ah. Ragga xalaasha diidey ee xaraanta quuta waa taqaanaaRagga Rabigood ka iimaan baxay ee beni-aadan aaminey waa taqaanaaRagga maka xaqirey ee xaramaka xabadeeyey waa taqaanaaRagga xaqa diidey ee riyaalka caabuda waa taqaanaaRagga Aakhiradoodii aduunyo siistey waa taqaanaaRagga cimaamadaha duubtey ee timirta caabuda waa taqaanaaRagga runta diidan ee beenta doortey waa taqaanaaRagga gobanimadoonka diidey ee gumaysiga doortay waa taqaanaaRagga sunada diidey ee makafeeli iyo mushrikiinul carab doortey waa taqaanaa Walaal si fiican ma u fahantey belaayada aan ka hadlayo, hadaba waxaan rabaa in aan su’aaal ku weydiiyo taasoo ah, Munaafaq magac Muslim ku qaraabta iyo gaal haday dagaal dhex maro yaad la safaneysaa? Rabbina wuxuu noo sheegey in munaafaqu uu gaalka ka hooseeyo. إِنَّ الْمُنَافِقِينَ فِي الدَّرْكِ الأَسْفَلِ مِنَ النَّارِ وَلَن تَجِدَ لَهُمْ نَصِيرًا (4:145) “Munaafiqiintu waxay ku sugnaan dabaqada hoose ee Umanaheshid gargaare.” Ragga waxaa samaynaya maxaynu ku magacaabi karnaa, ma muminiinbaa, mise waa munaafikhiin? Ma ahlu khayrbaa mise waa ahlu shar? Ma awliyo Ilaahaybaa mise waa awliyaa u shaydhaan? Xisbiga ay ka bahoobeen oo ay xubno ka yihiin dadkaas magaca diinta ku qaraabta, laakiin ku dhaqma siyaasadii mushrikiinul carab iyo makafeeli maxaynu ku magacaabi karnaa ma xisbul munaafiqiinbaa, mise waa xisbul khaa’imiin, mise waa xisbul shaydhaan (Satanic Party)? Nimanka waxaas oo dulmi ah samaynaya ma Salafiyiinbaa, mise waa Sisiliyaan Mafiya? Ninka waxaan aragtey ama maqashay ee khaa’in ah isku duba rita haduu amiirnino sheegto maxaynu ku magacaabi karnaa ma amiirul munaafiqiinbaa, mise waa amiirul khaa’imiin, mise waa amiirul shayaadhiinul insi? bal ka waran muuqaal muslin iyo mabda munaafaq, afmacaan ,maaweelo been ah iyo khiyaamo malabaysan. Walaal saw ma’aha wax lala yaabo, dad diin sheeganaya oo diintu ka dhamaato oo ay ku soo hareen sidii abwaan Abshir Nuur Faarax (Abshir Bacadle) sheegayey markuu yidhi:- Qisas baa kusoo harey Ibliis qayb ku leeyahay. Walaal waxaan doonayaa in aad ila fiiriso yaabka aan anigu arkey, ma aha in aan kaa yaabiyo, laakiin waxaa weeye in aad xal raadiso oo aad isku daydo in aad cudurkan dawo u hesho. WALAAL SAW WAX LALA YAABOMA AHA? Magac khaliifo la bax maamul manaafaq yeelo, masiibo ka weyn weligaa ma maqashay?Magac khaliifo isku magacaw, maamul iyo manhajkii mushrikiinul carab iyo makafeeli masaajidkii Ilaahay dhexkeen masiibo ka wayn weligaa ma maqashay? Maro Muslim soo xiro, magac Islaam soo huwo, siyaasadii gaalkii makafeeli maxkamad Islaam ku magacaw masiibo ka wayn weligaa ma maqashay? Cadaalad baan soo wadaa muslimiinta aan ku aqoonin ugu sheekee, maangaabkana meel ku ururso inay mu’muniimta madaxa kasoo guraan, masiibo ka wayn weligaa ma maqashay?Ma eexdo muslimiinta aan ku aqoonin ugu sheekee, hadba carab siyaasi ah oo kursi doonaya oo xoogaa aduunya ah ku siiyey taageer, masiibo ka weyn weligaa ma maqashay?Magac Islaam iyo shareecaa wax lagu maamuli muslimiinta ugu sheekee, manhajkii abuu jahal, mushrikiinul carab iyo makafeeli masaajidka dhexkeen, wax ku maamul, waxna ku xukun, masiibo ka wayn weligaa ma maqashay? Dhiig yacab qofkii muslim ah ee diida in uu xisbu shaydhaanka xubin ka noqdaba ku magacaaba, murtad, munaafaq, basaas , gaal iyo magacyo xunxun, maalinta nabada isku magacaaba Salafi, muwaxid, mu’min iyo mujaahid, iyo magacyo fiifiican. Maalinta Colaada isku magacaaba Tabliiq, “Intaan waqlaha iyo wareerku dhicin Gaashaanle wanaag sanaydaa.” Goronyadii madaxa dhulka gashatey ee moodeysay in jirkeeda oo dhami wada qarsoon yahay, doqonkaaa doonayo in uu na hoos geeyo carab cunsuri ah, masiibo ka wayn weligaa ma ma qashay? Carabaa kursi laga kicinayaa carab kalaa lagu fariisinayaa, waa cibaado oo Ilaaha caadilka ah baa loogu dhowaanayaa, masiibo iyo beenka wayn weligaa ma ma qashay? Carabaa kursi laga kicinayaa carab kalaa lagu fariisinyaaa waa jihad oo jannaa lagu gelayaa, masiibo iyo beenka wayn weligaa ma ma qashay?Qaxdaani Qarash haya baanu Qurayshka dhigeynaa ee qofna ha’u sheegin, khuraafaad iyo been ka weyn weligaa ma maqashay? Reer Al –Sacuud baa kursi laga kicinayaa oo Usama Bin Ladin iyo ururkiisa lagu fariisinayaa, waa jihad oo janno fardawsaa lagu gelayaa masiibo iyo beenka wayn weligaa ma ma qashay? Walaal wax sheega, wacdiga iyo waanada dadka ahlu khayrka ahi sida Nebiyada , Saalixiinta Culimada daacada ah, ahlu khayrka, iyo awliyada Ilaahay wuxuu ku salaysan yahay in ay kuu sheegaan wax adiga dani kuu jirto oo hadaad samaysana ay adiga kuu fiican tahay, hadaad diidana ay adiga keliya danbigaagu uu ku dhibayo, laakiin dadka ku gabanaya magaca diinta oo isu haysta in ay yihiin dad caqli badan laakiin ah doqonimo aad iyo aad u daran oo ay moodaan in ay dadka ka caqli badan yihiin oo ay siri karaan , waa tii hore uu uga gabyay abwaankii weynaa Cabdillahi Suldaan Timacade Ilaahay Naxariis iyo Janno haka waraabiyee markuu yidhi “ Doqonimo kugu baahday baan ciddi dabiibayne.”Maangaab yadan lagu adeegto ee loo adeegsanayo in umadooda lagu baabi’iyo oo lagu gumaysto iyo waxaad is barbar dhigtaa waxa Rabbi uu kitaabkiisa Quraanka noogu sheegay markuu yidhi:- إِنَّ شَرَّ الدَّوَابَّ عِندَ اللّهِ الصُّمُّ الْبُكْمُ الَّذِينَ لاَ يَعْقِلُونَ (8:22) “Dhul socod waxaa ugu shar badan (u xun) Eebe agtiisa ma maqle (xaqa) ma hadle oon kasayn (wanaaga).” Waa dad ayagu dan gooniya wata wax sheegoodu iyo waanadoodu wuxuu salka ku hayaa dan gaar u ah oo ku salaysan dano aduunyo sida lacag, timir, raashin iyo xukun raadis taas waxaan ka wadaa dadka qayrka wada ku qasbi maayaan, sababtoo ah danbigaaga adigaa qabri ku galaya, laakiin dadka ahlu sharta( Culumaa’u suu) waxay isku dayayaan in ay kugu qasbaan in aad dhiig musllim daadiso si’ aad adigana aad u noqoto Ahlu naar isaguna dano aduunyo oo uu u halgamayo u helo. Dadlka ahlu khayrka ahi waxay haystaan aayadan Quraanka ah:- إِنَّا أَنزَلْنَا عَلَيْكَ الْكِتَابَ لِلنَّاسِ بِالْحَقِّ فَمَنِ اهْتَدَى فَلِنَفْسِهِ وَمَن ضَلَّ فَإِنَّمَا يَضِلُّ عَلَيْهَا وَمَا أَنتَ عَلَيْهِم بِوَكِيلٍ (39:41) (41 Zumur) Anagaa kugu soo dejiney kitaabka (Quraanka) Dadka dartiis si dhab ah, ruuxii hanuunana wuxuu anfici naftiisa, kii dhumana wuxuu dhibi naftiisa, adiguna Nebiyow Kama tihid wakiil.” Walaal Rabbi (sw) noo cadeeyey in aanu ku dadaalno xaqa sheegidiisa oo aan marna ogolaanin in aanu horseed u noqono xumaaan iyo cadaalad darro, laakiin balka waran haddii dad muslim sheeganaya ay ka tageen jidkii toosnaa iyo Sunadii Nebi Maxammed ee ku dhisnayd cadaalada oo ay diintii Islaamka ku dhaqankeedii ay ka doorbideen in ay isticmaalaan siyaasadii Carabtii mushrikiinta ahayd ee ku buuqi jirey wixii khayr iyo wanaag u sheega. Walaal si fiican u dhuux sheekadan dhabta ah ee dhacday si ‘aad u noqoto garsoore caadil ah oo kala xukuma ragaan. Arday diinta barta ayaa wuxuu isku dayay in uu ka hadlo wax isaga markaa ugu muuqdey in ay tahay mawduuc aad u mihiim ah oo baahan in laga hadlo. Wuxuu ku magacaabey oo uu magac uga dhigey mawduuciisii “LABA GUMAYSI MID DOORO.” Markuu qorey ayuu hal koobi oo qoraalkii ah u geeyey sheekh uu muddo badan ay magaalo ku wada noolaayeen, in badan ku daba tukaday duruusna ka dhageystay. Ardaygii ayaa markii salaadii cishe la tukaday sheekhii warqadihii u dhiibey oo ku yidhi “Sheekh waa markii iigu horeysay ee aan ka hadlo ama aan wax ka qoro mawduuc diin ku saabsan ee bal si fiican u akhri.” Sheekhii ayaa aad inta u farxay ardeygii ku yidhi waxaan oo dhan ma adigaa qorey? Waa imisa bog? Ardaygii baa ugu jawaabay waa afartan bog? Sheekhii baa yidhi buug baanu ka dhigeynaa.Kadib ardeygii baa ugu jawaabey sheekh marka hore akhri, kadib baynu ka wada hadleenaa in aanu buugka dhigno iyo in kale. Sabtigii uu u dhiibey sabtigiisii ayay hadana is arkeen sheekhii iyo ardeygii salaadii cisho kadib. Ardeygii ayaa shiikhii u tagey oo ku yidhi “sheikh hebel warqadihii ma aqrisay?” sheekhii ayaa ku yidhi qaar baanka akhriyey ee waxaan ku leeyhay warqdaha gub. Ardeygii baa la yaabay sheekhan markuu u dhiibayey isagoon waxba ka akhrinin ayuu yidhi buug baanu ka dhigeynaa, hadana isagoon wada akhrinin ayuu yidhi gub. Sow wax lala yaabo maaha? Ardeygii ayaa iska sii watey hawshiina oo warqadihii qaarna saaxiibadii u qaybiyey, qaarna internetka geliyey. Maalmo kadib ayaa sheekhii soo wacay xaafadii ardeygii oo shaqo markaas guriga kaga maqan? Ardeygii markuu sheekhii wareystay waxaa loo sheegay in uu safar u baxay. Fasaxyo kadib ayaa hadana ardeygii markii salaada cisho laga baxay sheekii u tagey oo si kaftan ah ku yidhi “sheikh intaad telefan iisoo dirtey ayaad dalxiis iska aaday? Sheekhii oo wajigiisu bedelan yahay oo aad moodo qofkale ayaa si adag ugu jawaabay dalxiis kuma maqnayn ee meesha mutamar ayaa ka jirey.” Ardeygii ayaa kadib ku yidhi sheekh waan sunaysanayaa. Sheekhii baa si carro ku jirto ardeygii ula hadlay oo yidhi xageed u cararaysaa maxkamad Islaama ayaa lagu saarayaa. Ardeygii ayaa yidhi sheikh anigu maxkamad ma diidayo ee horta aan sunaysto. Sheekhii ayaa yidhi “hadaadan maxkamad diidey hadaa nin fiican ayaad tahay. Ardeyii markuu soo tukaday ayuu albaabka oo ay dad sheekha sugayay taagnaayeen yimid, ka dib wuxuu go’aan saday inta dadka nahahooda loo dhamaynayo in uu soo musqul dhamaysto, markuu musqushii kasoo baxay ayuu wuxuu arkay dhamaan nalalkii masaajiska oo la damiyey, mugdi aan waxba laga arkayn, tolow caawa waxaani wax ka badane ma afganbi baa jira? Sheekha albaabkiisa oo xidhan ayaa waxaa kasoo baxaya iftiin yar, ardaygii baa codsaday in uu soo galo, waa loo ogolaadey, waxaa isu soo haray sheekhii ardaygii iyo wiil yar oo caruur ah oo uu sheekhu dhalay. Ardeygii ayaa markii u horeysayba wax ku dhibceen qalbigiisa,dhibaatada iyo murugada sheekha ka muuqata darteed. Sheekhii ayaa hadalkii bilaabey oo cod hoose oo aad iyo aad daciif u ah sidii qof xanuunsnaya oo kale oo yidhi “Ma maqashay waxay yiraahdeen? Ardeygii ayaa isla markiiba mawjado kala duwan madaxiisa kusoo burqadeen sababtoo ah waa qofka wax qoray oo garanaya siyaasi Kaaa’in ah markaad hor istaagto waxa ka dhalankara oo dhibaato ah, tolow maxay yiraahdeen oo ay ugu hanjabeen sheekha “ma waxay yiraahdeen sheikh waanu ku dileynaa; caruurtaada baani dileynaa; ehelkaaga iyo qaraabadaada ayaan dileynaa ee Africa ku maqan; waanu ku xireynaa intaan basiisinta wadankan aad ku nooshahay lacag siino; waanu ku sumaynaynaa; gaariga baanu kugu qarxineynaa iyo mawjado ay miba mida kale ka daran tahay.” Sheekhii baa yidhi waxay yiraahdeen sheikh hebel ayaa qado inta ardeygiisa u sameeyey ku yidhi qaybi warqadahan.” Ardeygii ayaa qaadan waayey oo aad iyo aad ula yaabay sheekha oo ku yidhi “ sheekh ma waxay yiraahdeen adigaa ka danbeeyey? Ayaan daro sheekhii ayaa si ay maskiinimo iyo daciifnimo ku jirto yidhi “haa” Ardeygii baa u qaadan waayey “Libaaxii oo mar keliya caawa Guduudane noqday”Alla Aamin ma iisho. Maxay dhibaato ah ooy u geysan karaan sheikh?Maxay sheekha kugu samayn karaan ma janno Rabbi (sw) u qorey ayay u diidi karaan? Ma cadaab aan Rabbi (sw) ku qorin ayay ku gelin karaan? Ma irsaaqada ayay u hayaan? Ma naftey ka qaadi karaan saacadiisa ka hor? Ma xabsi aan Rabbi (sw) u qorin ayay gelin karaan? Ma cudur aan Rabbi (sw) u qorin ayay ku ridi karaan? Waxaaa ardeygii maskaxdiisu qaadi weydey waxa uu u haystay sheekhiisa iyo waxa uu caawa noqday? Ama afeef hore lahow ama adkaysi danbe lahow. “Sheekh yahow ma waxaan ku moodey mise waxaad noqotey mise waxaan loo noqon doonin.” Sheekh yahow waxaan ku mooday Aar Libaax, waxaadna noqotey caawa daanyeer weyn (Gaaxuur) oo roob culus cidla ka helay oo dhibicdii oo dhan ay ku dul dhamaatey, waxaase loo noqon doonin isku halayn danbe.Waxaa layaab ku noqotay sheekha oo markuu umada masaajidka kala hadlayo ku guubaabiya in ay diintooda gaws danbeedka ku qabtaan , oo raasamaalka dhabta ahi uu yahay diintoota oo ay ku fara adeegaan oo caawa aad iyo aad uga murugeysan waa la’I dacaayadeeyey sidii qof loogi bishaareeyey in uu jahano gelayo oo kale. Markay xoogaa wada hadlayeen sheekhii iyo ardeygii oo ay isku mari la’ yihiin waxa uu sheekhu doonayo oo ah, in warqadanhan uu ardaygu soo ururiyo oo uu gubo, dib danbana aan loo daabicin, iyo waxa uu ardeygu doonayo oo ah in marka hore sheekhu warqadaha wada akhriyo kadibna wixii khalad ah ee ku jira laga saxo sidii uu markii horeba sheekha ugu keensadey. Ayaa sheekhu markeliya qaylo dhaan iyo sawaxan afka ku dhuftey sidii qof waalan oo kale oo wuxuu ydhi “Sadex marqaati baan raabaa, bal dhageysat ninkan wuxuu ku hadlayo. Ardeygii ayaa isaguna albaabkii aad u furey oo isku dayey in dhaamaan dadka muslimiinta ee masaajidka joogey ay arinta wada dhegeystaan doodan socota, laakiin masaajidkii oo mar hore nalkii oo dhan loo demiyey ayaan dad badan ba ku harin, marka laga reebo sadexdii marqaati ee uu sheekhu codsaday wax dad ah oo kale waxaa la helay laba wiil oo dhalin yaro ah iy laba caruur ah, oo aan waxa laga hadlayaba aanan garanayn. Sadexdii markhaati ee uu sheekhu codsadey ayaa waxay usoo galeen qolkii sidii dad balaayo qabsatay ama dab gubanaya ka cararay oo kale. Runtii raga soo gumaday isku qiimo ma ahayn, saad ogsoon tahay, Raggu magaca guud iyo magtu waa isaga, laakiin isku qiimo maaha. Arintu waxay doonto ha ahaato ama shilqool, qiyaano, debin munaafaq hore loo sii qorsheeyey ha ahaato ama wax si kedis ah uun isaga dhacay ha ahaato taas Ilaah baa naga yaqaan, ninka khaa’in noqday ama khaa’in hogaamiye ka dhigta isagaa balaayo doontay dhibkeeda heli Insha-Allah. “Wan weyn ilaa la gowraco indhihiisu circa ma arkaan” ninka sheydhaan wax ku darsada ama xisbu shaydhaan xubin ka noqda mar kale ayuu garan doonaa. Ninka koowaad waxaynu oran karnaa waa ninka raga ugu qiima badnaa, waa ninka keliya ee ogolaaday inta aan xukun la ridin in ardeygu uu xaq u leeyahay in uu hadlo, oo uu dacwadiisa sheegto maxaa yeelay gartu Ilaahay bay taqaanaa “Gar waa loo Islaam.” Waxaynu ku magacaabeenaa “Sheekh dhaan” maxaa yeelay sheekha iyo labada kaleba isagaa ka cadaalad badan sida wax u dhaceen. Ninka Labaab waa nin looga bartey xishood iyo degenaan inkasta oo uu habeenkaad uu yara dhaanteeyey, waxaynu ku magacaabeenaa “Degene”. Ninka sadexaad waa nin dhalinyaro ah oo uu ardayga lagu goobanayaa la yaabay, maxaa yeeley wejigiisa labada indhood iyo afka ayaa ka muuqda, muxuu u danleeyahay? Weligaa ma aragtey nin dad u garnaqaya oo wejigiisa hadana qarsanaya? Waxaynu ku magacaabeenaa “Xaaji.” Ardeygii baa hadalkii bilaabay in uu dhaamaan dacwdiisa sheegto, laakiin ayaan darro sheekhii baa u diidey in uu hadlo haba yaraatee, markuu hadal is yiraadoba wuu ka dhex galaa oo uu uga dhaartey in uu haba yaraatee dacwadiisa sheegto. Nin kii raga soo gurmaday ugu qiimaha badnaa “sheikh dhaan” ayaa hadlay oo sheekhii ku yidhi ha hadlo ee daa, sheekhii ayaa diiday, ardeygii baa hadley oo yidhi war meeshu sow maxkamad Islaam ah maaha in aan hadlo maxaa laygu diidayaa? Rag la’aan waxba kuma yeeshee Rag xumaa ku disha, dadka noocaas ah haday madax kuu noqdaan ka waran?Sheekhdhaan baa yidhi hadal, hadana shiikhii baa diidey in haba yaraaree uu ardeygu uu sheegto dacwadiisa. “Rag qawl baaa xidha dumarna meher.” Sheekhu qawba ma laha, wuxuu hadda ogolaaday ayuu hadana diidan yahay. Sheekhu diinta waa yaqaanaa laakiin dadnimo ma laha sababtoo ah, isagaa is burinaya. Maxaa sheekha ka galay arday wax ka qoray gumaysiga muuqda TPLF iyo gumaysiga qarsoon AL-QAACIDA. Af wax cunay xishoo, maxaa sheekh u diiday inuu ardeygiisa garab istaago oo xaqa sheegaan oo uu yiraahdo gumaysi ma rabno. Ardeygii ayaa la yaabay sheekhan diinta sheeganaya iyo waxa uu samaynayo, maxaa yeelay ardeygu wuxuu tagay dhawr maxkamadood oo qaadiyaal gaala ahi wax ku xukumaayaan. Kuligood siday u dhan yihiin waxay u ogolaayeen qofka intaan la xukumin in uu hadli karo oo si dhamaystiran uu dacwadiisa u sheegto. Waxaa ardeygii la yaab ku noqotey in cidwalba oo maxkamadihii gaalada dhex fadhiyey ay dhaamaan sheekhaaga aad diinta ka barato gaal kasta oo aad aragtey uu ka cadaalad badan yahay, walaal waxaad isbarbar dhigtaa waxa taagan iyo waxa ay aayadani ka hadleyso. وَمِنَ النَّاسِ مَن يَقُولُ آمَنَّا بِاللّهِ وَبِالْيَوْمِ الآخِرِ وَمَا هُم بِمُؤْمِنِينَ (2:8) ________________________________________يُخَادِعُونَ اللّهَ وَالَّذِينَ آمَنُوا وَمَا يَخْدَعُونَ إِلاَّ أَنفُسَهُم وَمَا يَشْعُرُونَ (2:9) ________________________________________فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ فَزَادَهُمُ اللّهُ مَرَضاً وَلَهُم عَذَابٌ أَلِيمٌ بِمَا كَانُوا يَكْذِبُونَ (2:10) ________________________________________وَإِذَا قِيلَ لَهُمْ لاَ تُفْسِدُواْ فِي الأَرْضِ قَالُواْ إِنَّمَا نَحْنُ مُصْلِحُونَ (2:11) ________________________________________أَلا إِنَّهُمْ هُمُ الْمُفْسِدُونَ وَلَـكِن لاَّ يَشْعُرُونَ (2:12) “(8) Dadka waxaa ka mid ah kuwa dhihi waxaan rumaynay Eebe iyo maalintiisa danbeysay (Qiyaamada) hadana aan mu’miniin ahayn.(9) waxay khiyaameyn Eebe iyo kuwa (xaqa) rumeeyey mase khiyaamaynayaan waxaab naftooda ahayn mase kasayaan.(10) Quluubtay ka bukaan markaasaa Eebe u siyaadiyey cuduro waxayna mudan cadaab daran beentooda darteed.(11) Marka lagu dhaho ha fasahaadinina dhulka waxay dhahaan annagu waxaan uu nahay hagaajiyayaal.(12) Iyaga unbaa fasaaadiyayaal ah hasa yeeshee ma kasayaan.” nin noolow maxaa aragti kuu laaban, timirtii iyo lacagtii siyasiyiinta carabta ahayd ee kuraasta Al-Sacuud u halgamayay waxay na badeen waxaa ka daran waxay na bareen oo ah diin bariis lagu raadsanayo. Bal su’aal aan ku weydiiye, bal ka waran haddii sheeqaaga uu gaal ka cadaalad badan yahay? Walaal ciil iyo carro looma dhintee rag dhulkoodii cadaw haysto, culumadoodii ay kuwaas tahay xal ma’u haysaa? Wixii uu sheegayay Abwaan Sayid Maxammed Cabdulle Xasan Ilaahay naxariis iyo Janno Fardawsa ha siiyee caawa ma taagan yahay, markuu yidhi “Galiilyoodayeey cadho miyey gubatay laabtaydu.” Qaar gabaygaas xusuusta mudana waa kanee dhuux. Guulaamo roob da’ahayiyo gababaxdiisii dheh Onkod guguguclayn iyo hillaac galalacdoodii dheh. Gufaaciyo gudgude soo curtiyo garamahoodii dheh Guluuliciyo mayay laysku daray galangalkoodii dhehGal xareeda daad soo gabraday gal iyo duufaan dheh.Bad gariirtay mowjado gurxamay gacammadii Ayl dhehShir la gooday waayeel gab yiri garangartiisii dhehXiriir lagu gimaamadahayiyo gola firaasheed dhehXaajada ninkii garanayiyo gig iyo sheeggeed dhehGobo’ kalana waa aniga iyo ged iska sheeggaygaGaliilyoodayeey cadho miyey gubatay laabtayduGogoshii la ii dhigay miyaan geydh la qaban waayeyGabbal dhiciyo waaberi miyaan socod ku gaarraadayGadiid maalin oo idil miyaan gaafka sare meeraySidii awr gabraareed miyaan gululubluu roorayMa gudoodigiyo suudigaa gubadka ii yeelayMa geddaaladhabadkaa sidii geri i boodheeyeyGooxii aan yuururay miyaan gibil madoobaadeyRaggii igu gadaamnaa miyaa aakhira u guurayGoortaan garwaaqsaday miyaan gocoshadii eedayGamiinkaan xanuunsaday miyaan gorodda laadlaadshayGelin haddii aan foororay miyaan giirka kor u qaadayGuhaad iyo calool xumo miyaan geydhtayoo dirirayHadba gees miyaan deyay intaan gownaxyada buurayGuntigaan maroorsaday miyaan labada low geeyayGaashaanka iyo tiirigiyo gamas miyaan qaatayMa genbaan u taagnahay intay gaadhi noloshayduWar ma Dhooddi baa gaamuroo garabku weynaadayMa galaasya miidaan ku shubay gamashigii DayrtaGorgor kacay la moodyow durduro ma igu gooraamayGodobtaydu waa wada jirtaa goonyohoo idileGashi niman ku leeyahayba waa dabagelaayaayeWaxaan goosan karo anigu waan gurubsanaayaaye Walaal awood aan nimankan umada kaga qabto ma lihi, waxaa aan samaynkaro waa waxa Sayid maxammed leeyahay ee ah “Waxaan goosan karo anigu waan gurubsanaayaaye.” Oo ah in aan kuu soo gudbiyo balaayadaan qaar masaajideenii aanu dhisanay xooga kula wareegay ee u adeega habeen iyo maalin danaha gumaysiga qarsoon. Dhinaca kale ayaa waxaa bilaabmay su’aalo darandoori ah, sadexdii soo gurmatay ay ku wadaan ardeygii, ma jirin hal su’aal oo la weydiiyey sheekhii ,weligaa ma aragtey ama ma maqashay dad usoo gurmaday laba qof oo is haya oo hadana qof keliya laysugu tagay oo su’aalo la weydiinayo ayadoo kii kale haba yaraate aan wax su’aal ah aan la weydiinin? Raggaas iyo kuwo la mid ah oo aan waxba dhaamin, haday yiraahdaan dawlad Islaam ah ayaanu noo dhiseynaa oo shareecada Islaamka ayaan wax ku xukumaynaa cadaalad intee le’eg ayaad ka sugaysaa? Arintii waxay ku soo ururtay afar nin oo isku dhinac ah iyo ardeygii warqdaha qorey oo dhinac ah. Xaaji oo ah ninka wejigiisa qarsanay ee hadana garsoore iska dhigayay baa hadlay oo yidhi “odaybaa lagu yidhi wiilkaagii waa laga gar helay, markaasuu ugu jawaabay hala gal helee gartiisii ma qaatay? Markaas baa la yidhi haa wuu qaatey, markaas buu yidhi hadaa wuu igu banaan yahay. Ardeygii baa xaaji su’aal toos ah ugu yeedhay oo ku yidhi, warqadahayba ma akhrisay? Markaasuu yidhi ma wada akhrinin, markaasaa ardeydii ugu jawaabay hadaa garta aad xukumeysaa maxay tahay? Adigoo waxba ka ogayn warqadahayga ayaad leedahay gub. Lamaba sugine sheikh dhaan ayaa isaguna weerar culus soo qaadey isagoo iska dhigaya mufti oo wuxuu yidhi “ warqadahaaga dhibkooda iyo dheeftooda dhibkooda ayaa badan.” Ardeygii ayaa ugu jawaabey warqadahayga ma wada akhrisey? Markaas ayaa ninkii sheekh dhaan ahaa yidhi maya, ardeygii oo aad moodo in uu nibankan garta iska ridaya iyagoon waxba akhrinin layaabay ku yidhi, warqdahayga akhri oo kadib waxaad I dhahdaa “dheeftooda dhibkooda ayaa ka badan. Waa tii hore loo yidhi “Awrba awraka ka horeeya ayuu horaan qaadkiisa leeyahay” Ardeyga uu shiikhiisu kaas yahay cadaalad intee le’eg ayaad ka sugaysaa? Waa tii Odaygii cabdi Malaw ahaa Allaha u naxariistee uu yidhi “Inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa iyana haadintay barane.” Saw caawa arinku maaha “Ardeygii sheekhiisu cadaalada tumaa, isaguna haadintuu barane”Walaal waxaad is barbardhigtaa waxan taagan iyo waxay aayaduhu ka hadlayaan. لَقَدْ أَنزَلْنَا آيَاتٍ مُّبَيِّنَاتٍ وَاللَّهُ يَهْدِي مَن يَشَاء إِلَى صِرَاطٍ مُّسْتَقِيمٍ (24:46) ________________________________________وَيَقُولُونَ آمَنَّا بِاللَّهِ وَبِالرَّسُولِ وَأَطَعْنَا ثُمَّ يَتَوَلَّى فَرِيقٌ مِّنْهُم مِّن بَعْدِ ذَلِكَ وَمَا أُوْلَئِكَ بِالْمُؤْمِنِينَ (24:47) ________________________________________وَإِذَا دُعُوا إِلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ لِيَحْكُمَ بَيْنَهُمْ إِذَا فَرِيقٌ مِّنْهُم مُّعْرِضُونَ (24:48) ________________________________________وَإِن يَكُن لَّهُمُ الْحَقُّ يَأْتُوا إِلَيْهِ مُذْعِنِينَ (24:49) ________________________________________أَفِي قُلُوبِهِم مَّرَضٌ أَمِ ارْتَابُوا أَمْ يَخَافُونَ أَن يَحِيفَ اللَّهُ عَلَيْهِمْ وَرَسُولُهُ بَلْ أُوْلَئِكَ هُمُ الظَّالِمُونَ (24:50) إِنَّمَا كَانَ قَوْلَ الْمُؤْمِنِينَ إِذَا دُعُوا إِلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ لِيَحْكُمَ بَيْنَهُمْ أَن يَقُولُوا سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا وَأُوْلَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ (24:51) (46) Waxaan soo dejinay aayaad cad cad, Eebana wuu ku hanuuninayaa cidduu doono jid toosan.(47) Waxay dhihi (munaafiqiintu) waxaan rumeeyey Eebe iyo Rasuulka waana adeecnay markaasaa waxaa jeedsada kooxo ka mid ah intaas ka dib, kuwaasi ma aha mu’miniin.(48) Marka loogu yeedho Eebe iyo Rasuulkiisa inuu kala xukumo dhexdooda waxaa soo baxa koox ka mid ah oo jeedsan.(49) Haddu xaqa iyaga u sugnaado way u yimaadaan iyagoo adeeci.(50) Ma qalbigay ka bukaan mise way shakiyeen mise waxay ka cabsan in Eebe ku jawr falo iyo Rasuulkiisu, saas ma ha ee kuwaasu waa kuwo Daalimiin ah.(51) Mu’minka hadalkiisu marka loogu yeedho Eebe iyo Rasuulkiisa inuu kala xukumo dhexdooda waa uun inay dhahaan waan maqallay waana Adeecnay kuwaasuna waa uun kuwa liibaanay. Walaal waxba arinkan hala yaabin, maxaa yeelay dheeli tirkii baa lumay, tusaale ahaanWaxaa la yidhi nin baa reerkiisa oo meel oomane ah degenaa dhaan u aaday isagoo wata awr keliya, ninkii baa wuxuu arkay awkii oo dheeliyey, markaasuu fariisiyey wuxuu arkey in labada haamood midi duleesho, dabadeed intuu sifiican xariga ugu xidhay ayuu wuxuu sii watay socdaalkiisii, markuu waxyar socdaba wuxuu arkaa Awrkii oo hadana dheeliyey, wuu fariisiyaa oo hadana sidii oo kale ayuu u xidhaa. Markuu muddo sidaas ku jirey ayuu wuxuu arkey haantii fiyoobeed oo markii dheelitirkii ka lumay inay iyana biyihii afka ka daadiso, markaas ayuu ninkii iska caalacalay oo wuxuu yidhi “Haan haantaas arkeysa miyaa biyo celinaysa? Wiilal dhalinyaro ah oo arkaya ,wuxuu sheekhoodu samaynayo ma u malaynaysaa wax cadaalad ah haba yaraatee in ay la imaan doonaan? Degene ayaa weerer soo qaadey oo wuxuu yidhi adigu hadaal wax khalad ah aad aragto qofkii sameeyey ma gudbineysaa, ardeygii baa ugu jawaabey ninka qaladka sameeyey iska ilow, ummada aan waxba ogayn u dig. Wax ay doodii socotaba sheekhii, sheek dhaan, degene iyo xaaji oo meel ah iyo ardeygii warqadaha qorey oo meel ah, ayaa wuxuu ardeygii jeclaaday in labana nin ee kale ee aamusan ee hadalka loo diidey ay hadlaan madaama ay ayaguba muslimiin ay yihiin, laakiin aayan darro sheekhii waa uu diidey in ay nimankaas hadlaan oo ay soo kala dhex galaan dadkaan muslimiinta ah. Sheekhii baa hadlay oo wuxuu yidhi hebel waxba kuguma samayn karo? Talow haduu caawa awood leeyhay muxuu ku samayn lahaa? Miyuu dili lahaa? Ma dhiigiisa ayuu cabi lahaa? Ma wuxuu oran lahaa tiirka halagu xidho oo hala toogto? Ma wuxuu oran lahaa xabsi daa’in halagu xukumo? Maxaa sheega calool xumo iyo ciilka buuxa calooshiisa, ceeb Allaha asturo. Maxaa Sheekha iyo Ardeyga ka dhexeeya oo colaad ah? Inta uu ogsoon yahay qoraagu, ardeyga iyo sheekhu weligood hal erey xitaa iskuma qaban. Weligood isma afdhaafin, weligood wax xoola ah iyo lexo jeclo isuguma imaan.Ardeygu warqadaha uu qoreyna waxay ka hadlayaan laba gumaysi oo kala ah Tigreeyga tuutaha gashan(TPLF) iyo Tigreeyga khamiiska iyo cimaamada noo soo xirtay (Al-Qaacida). Wuxuu sheekhu qirtay in isaga dusha laga saran, maxaa halkaa kaaga cad wixii uu sheegayey Ilaahay naxiis iyo Janno fardawsa ha siiye, abwaan Cali Cilmi Afyare markuu yidhi “Darxumadeenu waa maalintii laysku keendiro,e” halkaas makaaga cadahay wixii abwaanku horre uga hadlay?Walaal gabay gii la magic baxay “Gobanimo.” Oo dhana waa kanee dhuux. Ragga daawadiis waa inuu kala danbeeyaayeOo darajo wayn loo qiraa kan ugu doorroone Gabayguna duqbuu leeyihiyo oday la duubtaayeDalan baabi looguma dhiciyo dood yar baan iriyeDoqoniino waa hadalka oo kaa dabayshadayeDa`dii Raage iyo Qowdhanbaa diiraddow sidayeDarka haatan joogaa sidii dumar u sheekeeye. Daruur curatay daad soo rogmaday diilalyada roobkaDooxooyin buuxiyo xareed lagu dikeynaayoDiibkiyo cagaarkiyo dhulkoo dooggu ku ekaadayDararta iyo Caanaha kolbaa laga durduurtaayeAnna gabayga deeqdiisa waan soo dayaafadin,e. Aarkuba wuxuu duurka iyo dibadda meerraabaDibjiryadiyo gaajada wuxuu doc isku tuurraabaDuub meella iyo kayn wuxuu deero ka eryaabaDagantida mar uun buu hellaa duunyo baadiya,eDulka fuulka boodda hadduu duubiyada saarroDiribta iyo jiirkiyo markuu hulibka diirraayoDibintiyo ilkaha dhiiggu waa inuu ka daataayeDugaagga iyo haadkuba ka carar gool hadduu dilo,e. Sida danabka yeeriyo hilaac diilintu isdhaaftayDinaahyada codkiyo goorti aan dogobka noolleeyoDiindiinyadu khalqiga waa inay dhab uga duushaayeDamiin iyo nin kii jilicsanbaan hadalku deeqsiineTaariikhda goortii ladayo amase diiwaanka Daliilkaan idiin qoray kabadan duurka geedaha,eDahabka iyo Luul igala wayn kaan daldalayaayeNin dundumo wacdiyay waa daleel inuu ku daallaayeDamqanmayso Soomaalidaan diiri leeyahayeDubaaqa iyo laabtiyo dhaguhu uma dulleellaane. Sayid-kiiba damac dowladnimo loona dacarreeyeWaxdhan buu dagaallamay intuu diiday gaalada,eDabkuu shidayay waagii haddaan duulna ka habaabbinDalkan aynu leenahay waqiis lama dullaalleeneDayrlaguma oo teen kuwii diirka ii xigayeDubaakhooyinkii lagu dhuftiyo daqarki loogaystayDocka weerarkii iyo markii bahalku dooxaayaySoomaali baa ugu darnayd daalinkii cunaye Idinkaa duleedinahayee dirir itaalkiiseGoortuu dangabay wowsagii siidabayshadaye. Nimankii dayacan dowladnimo kuma dikeeyaaneDulibay mutaan iyo ninkale inuu dumaallaayeDaldaloolka cadowgoodu waa kii ku diirsadayeDiihaalka bixi waayay iyo diifta nagu raagtayDirdir iyo qabiilnimo haddii dibadda lootuurroOo daacadloowada socdoo lagu dikaynaayoGobonimada dararteedu waa inay ku deeqdaaye. Dayaxaa cirkiyo reerrahaas dagaya guudkeenaDigsigaa lalaayiyo sancada dunidu dhiilootayDadku waxay ku gaarreen aqoon durugtay weeyaaneIdinkuna dun iyo liilan iyo dacas mahaysaaneDurdurka iyo wabiyaasha oo wada dareerraayeDibaddaad ka baridaan waxaad daanka galisaane. Daartii guduudnayn raggaan ugu daryeelaynayDibutaatigii eednay iyo doorashadi jaaneDib noo celiye tobankii sanoo ay dalacayeeneDaraawiishta iyo ciidankii dumiyay oo tuurayDuco tan ugu wayn iyo salaan baan u dirayaayeWaakaa dalayskii ifkiyo nuurki daahiraye.Digniinse waxaan u iri hadal yaroon ugu danbeysiiyayGudiyahay docdiinaa khalqigu wada dayaayaayeDusha waxaad ku qaadeen culays dayn ka xoog badaneDariiqaad fashaan baa hadhow laysku daadihineHaddaad idinku dalabyeelataan kala didweeyaaneDulaalbaa arlada meerayiyo daalin wayraxayeDariskiyo shisheeyuhu kuway soo dirsanayaaneDarxumadeenu waa maalintii laysku keendiro,eNin darmaan latagay raacdo waa dabagalaysaayeDoqontii dhagwaynbaan ogayn dabinka hoosyaaleDareenbaa kujira meel gumaysi daabkuleeyahayeDiyaar waxaad u noqotaan inaad daafacdaan cadowga Qofkuu careysan oo aadan weligaa wax xumaan ah aadan ku samaynin, qofkuu careysan oo aydaan weligiin maalina Allaha ka dhigee aydaan is qabanin, oo hadana aad iyo aad kuugu careysan oo kuu calool xun oo kuu sheegaya in hadii uu awood lahaan lahaa dhibaato weyn oo aadan ka soo waaqsan weligaa kugu samayn lahaa, balka waran? Oo ku fikiyaya in uu ku ciqaaabo haduu awoodo, Nin noolow maxaa aragti kuu laaban. Talow muxuu ardeygu sheekha ugu careysan yahay? Ma wuxuu ka xun yahay in gumaysiga tigreeyga wax laga sheego, tigreeyga tuutaha milartari gashan(TPLF) oo doonaya taangiyadii qanaxa ahaa ee midawga soofiyeeti ka geeriyoodey in uu wax ku gumaysto iyo tigreeyga khamiiska iyo cimaamada soo xirtey (Al-Qaa’ida) oo doonayo in uu kartoon timir ah iyo xoogaa lacag ah wax ku gumaysto? Sababtoo ah ardeygu wuxuu wax ka sheegay oo ka hadlay in aan labadan gumaysi midna taageerin oo labaduba na dhaafaan. Maxaa yeelay mid walba waa gumaysi. Ardeygu wuxuu ka hadley in aynaan labadan gumaysi midna taageerin maxaa yeelay midna wax dan ah nooma hayo. Mid walba waxaa uu doonayaa in uu na gumaysto, saad ogsoon tahay, gumaysi waa gumaysi, diintuu doono ha haysto, midabkuu doono ha lahaado, luqaduu doono haku hadlo. Sheekhu haduu awoodi karo muxuu habeenkaas madow, muxuu ardeygiisa ku samayn lahaa.muyuu toogan lahaa ma xabsi daa’in buu ku xukumi lahaa, ma hilibkiisa ayuu cuni lahaa, ma dhiigiisa ayuu cabi lahaa? Ardeygii ayaa aad iyo aad sheekha ula yaabay oo maskaxdiisu qaadan weyday wuxuuu sheekha muda badan u haystay iyo wuxuu noqday caawa “Ragow barasho geelow rarasho.” Ardeygii ayaa su’aal sheekha weydiiyey oo ku yidhi “ sheekh dagaalkii dhex maray Cali bin Abii dhalib iyo Mucaawiya bin abuu sufyaan saw ma ahayn xarbul fitna? Dagaalka maanta ka dhexeeya qoyska reer boqor ee Al-Sacuud iyo Usama bin ladin saw ma aha dagaal fidna ah iyo kii nalooga digay? Ayaan daro sheekhu wuu awoodi waayey in uu xaqa cadeeyo oo uu yiraahdo, waa fidno ee ka fogaada dhiig muslim daadintiisa. Markay haba yaraatee wax daliil ah haystaan waxay lasoo deg degayaan aayadan, laakiin markay arkaan in ay khaldan yihiin oo laga sax san yahay, waxay oranayaan hala aamuso oo yaan la hadlin. إِذْ أَنتُم بِالْعُدْوَةِ الدُّنْيَا وَهُم بِالْعُدْوَةِالْقُصْوَى وَالرَّكْبُ أَسْفَلَ مِنكُمْ وَلَوْ تَوَاعَدتَّمْ لاَخْتَلَفْتُمْ فِي الْمِيعَادِ وَلَـكِن لِّيَقْضِيَ اللّهُ أَمْراً كَانَ مَفْعُولاً لِّيَهْلِكَ مَنْ هَلَكَ عَن بَيِّنَةٍ وَيَحْيَى مَنْ حَيَّ عَن بَيِّنَةٍ وَإِنَّ اللّهَ لَسَمِيعٌ عَلِيمٌ (8:42) Xusuusta markaad ahaydeen dhinacii u dhawaa (Badar) Gaaladuna ahayd dhinacii ka fogaa (Badar) safarkiina idinka hooseeyey hadaad isu yaboohdeen (ballanna) waad isku khilaafi lahaydeen ballanka , Eebaase falay inuu xukumo amar uu in ciddii halaagsamina si cad u halaagsanto, ciddii noolaanna si cad u noolaato, Eebana waa maqle og. wuuna awoodi waayey in uu garabsiiyo walaalihiisa diidan dhiiga xaramkii barakeysnaa ku daadayo iyo colaada ka aloosan maka iyo madiina. Muxuu noqonayaa qofka ka gaabsada isaga oo awoodi kara in uu ka gaabsado taageerida xukun sharci ah oo indhaha u furaya jaahilku in uusan dhiig muslim daa’in iyo in uu taageero oo uu xaqa is garabtaabo. Wuxuu sheekhii ku jawaabey arintaas, maxkamadii munaafaqiinta eek u bilaabatay siyaadadii abuu jahal, mushrikiinul carab iyo siyaadadii makafeeli waxay ku dhamaatey guul daro ay la hoyden kuwii isku dayay baqtiga inay umada muslimiinta ah u xalaaleeyaaan oo fidnadii dhiiga muslimiintu ku daadanayey ay jihaad ku magacaabaan. Wey shaqayn weyday beentii iyo shilqoolkii shayaadiintii khamiiska iyo cimaamada umada ku sirayey. Wey shaqeynweyday beentii ahayd “carabaa kursi laga kicinyaa, carab kalaa lagu fariisinayaa jannaa lagu galayaa.” Oo ay qaar masaaajideena ka mid ah, ay dhex keeneen gaangiistarada gadhka la baxay si’ay wax ma garata ugu siraan, oo ay culumo khayr soo wada isaga dhigaan. Kuwa doonaya in ay xornimadeena siistaan kartoon timir ah iyo xoogaa lacag ah. Walaaal “Xornimo adaa ku noole, iyadu kuguma noola.” Saw xusuus ma mudna sheekadii la magic baxday “SADEX MAAN LAAWE.” Ee sidan u dhacday waxaa la yidhi “wiil baa gabadh jeclaaday oo doonay inuu guursado, markaas ayuu aabaheed u tagay oo waydiistay in uu gabadhiisa guursado, laakiin odaygii baa ku xidhay shuruud ah in uu yarad u bixiyo boqol halaad iyo baarqabkood haduu doonayo in gabadhan loo guuriyo. Wiilkii gabadha jeclaaday wuxuu xoolo ka haystay inta odaygu doonayo oo ahaa boqol halaad iyo baarqabkood. Wiilkii gabadha jeclaaday talo ayaa ku ciirtay haduu inta uu haysto uu bixiyo muxuu ku noolaan? Haduu diidana gabadha heli maayo. Waxay ku noqotay laba daran kala dooro. Wuxuu go’aan saday in uu xoolihiisii oo idil ku bedesho gabadhuu jeclaa oo uu noqdo caydh aan neef keliya usoo xaroon. Odaygii markuu xoolihii u geeyey ayuu kasoo kaxaystay gabadhii oo keliya, wax dhibaadna odaygu wiilka masoo siin ,xitaa hal neef. Wuxuu iskala degey oo deris la noqday nin dabata ah. Wuxuu muddo halkiisa ku noolaadaba waxaa ka daba yimid odaygii sodagiis ahaa, oo xoolo kale raadinaya. Waa wax lala yaabo! Ninkii ayaa maalintaas guriga kusoo noqday isagoo waxba soo waayey oo fara maran. Markii uu gurigiisii yimid ayay xaaskiisii ugu bishaaraysay in aabaheed yimid oo uu xoolo kale doonayo. Ninkii ayaa ku yidhi bal taas hanoo danbeesee waan gaajeysanahaye waxaan cunno isii markaas ayay ugu jawaabtay waxba ma hayee ninkan deriskeena ah ayaan noo soo weydiinayaa wax aan ka daymano. Ninkii deriskooda ahaa ee dabata ahaa ayay u tagtey iyadoo raashin dayn ah raadinaysa. Wuxuu ugu jawaabey naa lug saguaro ayaan hayaa ee hadaad isu key dhiibto waan ku deyminayaa. Markaas ayay gabadhii ugu jawaabtay waxba isla waayi maynee ee odayga safarka ah hana dhaafo. Markii ay cuntadii diyaarisay ayay ninkii deriskoodana u yeertay si uu raashinka wax uga cunno. Markay sadexdoodiiba dhergeen ayay u timid oo ku tidhi “waxaad tihiin sadex maanlaawe, Aabadeed baa soo booday oo wuxuu yidhi, anigoo ah aabahaa oo ku dhalay, oo ku soo koriyey miyaad maanta igu leedahay eraygaas? Ninkeedii oo qaadan la’ ayaa yidhi ifka waxa dumar ku nool adaan kaa doortay oo waxaan kugu bedeshay waxaan xoolo lahaa ee maxaad ereygaa foosha xun iigu leedahay? Ninkii deriskooda ahaa baa isana hadlay oo wuxuu yidhi waxaan haysaba waa anigii ku daymiyaye maxaad sidaas ii leedahay? Gabadhii waxay ugu jawaabtay sidatan, Aabe waxaad tahay maanlaawe sababtoo ah wiilka aad sodoga u tahay xoolihiisii oo idil baad ka qaadatay oo weliba waxaad maanta u timid adigoo xoolo kale raadinaya , ninkeedii waxay ku tidhi waxaad tahay maanlaawe sababtoo ah waxaad xoolahaagii oo dhan ku iibsatay qof beni aadan ah oo aadan ogay goor uu dhimanayo, hadaan maanta dhinto xoolana ma helaysatid xaasna mahalaysid, ninkii deriskooda ahaa waxay ku tidhi waxaad tahay maanlaawe sababtoo ah gabadhii boqolka halaad iyo baarqabkooda laga bixiyey ayaad doonaysaa in aad ku fuusho lug saguaro. Walaal saw ma orankaro maanta sadexdaas maan laawe ee gabadhu sheegtay waxaa bedelay sadex maan laawe oo kale oo kala ah, waalidka caruurtooda gaangiistar gadhka la baxay u dhiibtay, wadaadkan calooshii u shaqaysaha ah ee hadba carabkii xoogaa u dhiiba kabaha u qaada iyo carabkan kursigu madax ka galay ee doonaya kartoon timir ah iyo xoogaa lacag ah in uu siisto caruurtii waxaas oo dhiba laga soo maray. Walaal saw ma oran karno Aabaha iyo Hooyada caruurtoodii dhurwaa kala soo cararay oo hadana dhurwaa kale u geystay, taa waxaan ka wadaa waxay caruurtoodii kala soo carareen dagaal sokeeye iyo mid ina adeerkood ah in uusan qori u qaadin oo u dagaalamin, waxay u dhiibteen shaydhaan gadh leh oo balaayo kale safiir u ah oo meeshaba u fadhiya in uu caruurtaan qaxootiga ah ka dhigo askar calooshood u shaqaysayaal ah sidiisa oo kale, wadaad ma naxe ah oo doonaya in uu la safto hadba cidii xoogaa u dhiibto oo aan kala jeclaan tii hore nalooga digay ee ahayd “Waan baahanahay bakhti looma cunno.” Maan laawe hadaad lacag u baahan tahay, qof walba lacag uu u baahan yahay. Ee xalaasha quudo, xaaraantna iska ilaali. Carabkan cunsuriga ah ee siduu kursi u raadinayey ku wareeray, diintii iyo cadaaladiina isaga tagay ee adeegsnaya siyaasadii makafeeli ee ku dhisnayd weji kasta u mar in aan kusri gaarto, waxaynu leenahay waxaad tahay maan laawe sababtoo ah, wiilashii iyo gabdhihii lagala soo cararay dagaal sokeeye, ayaad waxaad doonaysaa in aad dagaal kale ku geliso kartoon timir ah iyo xoogaa lacag ah oo aad siisey wadaad calooshii u shaqayste ah Ayaan darro sheekhii wuu diidey in ardeygu dacwadiida sheegto“Arin xumo abaar ka daran.” oo wuxuu yidhi “arintaas warqadaha caawa ka dib laga wada hadli maayo oo wuxuu bilaabay intuu istaagay oo uu foorarsaday in uu alaabtiisa urursado sidii qof baxaya oo kale. Meeday cadaaladii culumada laga sugayey. يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ كُونُواْ قَوَّامِينَ لِلّهِ شُهَدَاء بِالْقِسْطِ وَلاَ يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلاَّ تَعْدِلُواْ اعْدِلُواْ هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى وَاتَّقُواْ اللّهَ إِنَّ اللّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ (5:8) Kuwa (xaqa) rumeeyow noqda kuwa istaaga (u darban) dar Eebe oo ku marag kaca Caddaaalad yeyna idinku xambaarin cadhada qoom inaydaan caddaalad falin, Caddaalad fala iyadaa u dhaw dharsashada (Eebe) kana dhawsada Ilaahay, Eebe waa ogyhay waxaad falaysaane. ardeygii baa la hadlay labadii qof ee loo diidey in ay hadlaan oo ku yidhi indinku warqadaha aan qorey akhriya kadib baanu wada sheekeysan doonaa Insha –Allah. Walaal arintaaan maxay kuula muuqataa ma arin hore looga sii shaqeeyeybaa, mise waa wax si kadis ah u dhacay oo isku aaday? anigu markaan si fiican uga fikirey oo ay igu qaadatey sideed maalmood, kadibna aan qorideeda bilaabay, maanta oo weliba labadii wiil ee loo diidey in ay hadlaan mid ka mid ahi uu igu yidhi, arintaas aniga waxay iila muuqataa in ay raggaani horey isu sii ogaayeen. Markaan dhinac walba wax ka fiiriyey waxaan arinta u kala qaadey dhawr weji. B) Wejiga Koowaad:- Waxa jira Allah keliya ayaa og, haday arintu sidaas tahay in arintu ay iska dhacday oo haba yaraatee aysan jirin wax las

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: