Khilaaf ka dilaacay Asmara

Iyadoo Isbahaysiga ARS uu u kala jabay laba garab oo fariisimo ku kala leh Eritrea iyo Jabuuti ayaa waxaa soo baxaya kala jab ku yimid fikir garabka ARS-Asmara.

Sheekh Xasan Mahdi iyo Zakariye Max’ud X. Cabdi ayaa dhawaan warbaahinta isku mariyay hadalo kulul oo uu mid walba ku weerarayo mas’uulka kale, iyadoo hadaladaas ay u muuqdeen in mid walba uu midka kale ka saarayo Isbahaysiga.

“Isbahaysiga ARS-Asmara wuxuu diyaar u yahay inuu wadahadalo la furo garabka kale ee Isbahaysiga, maadaama ay Ethiopia ka
baxday Muqdisho iyo qaybo ka tirsan dalka, loomana baahana dagaalo dambe oo dalka laga huriyo” ayuu yiri Zakariye Max’ud X. Cabdi.

“Zakariye waa mas’uul aan ku hadli karin magaca Isbahaysiga, waana cilmaani aanan garanayn halka uu Isbahaysiga kasoo galay, hadafkeenu waa mid, waxaana sii wadaynaa dagaalada Muqdisho” ayuu yiri Sheekh Xasan Mahdi oo Muqisho ku sugan.

Mas’uuliyiintan ayaa waxay si weyn uga kala fogaadeen fikirka, iyadoo dhawaanahan ay jireen shirar hoose oo uu Sheekh Shariif la lahaa xubno ka tirsan Isbahaysiga ARS-Asmara oo uu hogaamiyo Sh. Xasan Daahir Aweys.

Warar hoose ayaa sheegaya in garabka Isbahaysiga ee Sh. Xasan Daahir loo qoondeeyay 17-xubnood oo ka mid ah xubnihii xildhibaanada ahaa ee lagu ARS ay ku qaybsatay Jabuuti; inkastoo aan la sheegin inay aqbaleen iyo in kale.

Xubno uu ka mid yahay Sheekh Cumar Iimaan oo hogaaminaya Maxkamadaha garabka Asmara ayaa laga filayaa inuu dhawaan ku biiro Isbahaysiga Shariifka, kadib wadahadalo hoose oo u bilowday isaga iyo xubnaha ARS-Jabuuti.

680-Somali ah oo ku dhintay badda Yemen

Warar iminka soo ifbaxaya ayaa sheegaya in tiro lagu qiyaasay in ka badan 680 Somali ah ey ku nafwaayeen badda Yemen xilli ey saarnaayeen doomo yar-yar oo ey kaga baxsanayeen dagaalada iyo nolol-xumada ka taagan dalka Somaliya.

Dadkan oo inta badan ahaayeen Somali ayaa sidoo kale la sheegayaa in ey wehliyeeh tiro dad Itobian ah, waxaana ey kala saarnaayen sadex doomood oo yar-yar islamarkaana ey dadka si xad-dhaaf ah u saarnaayeen.

Qaar ka mid dadkani ayaa lagu guuleystay in la bad-baadiyo walow tirada la bad-baadiyay ey aad u yaraayeen, Doomahan sadexda ah ayaa la sheegay in ey kasoo dhaqaaqeen magaalada xeebta ku taal ee Bosaso, Bari.

Shacabka B/hakaba oo si xun u dilay askari ka tirsanaa Al-Shabaab

Ciyaalka xaafadda ee degmadda Buurhakaba oo taageero ka helaya shacabka deegaanka ayaa si fool-xun u dilay nin ka tirsanaa ururka Alshabaab,kadib markii ay ka caroodeen dil uu ninkan u geystay wiil dhalinyaro ah oo si weyn looga qadariyo magaalada Buurhakaba.

Shacabka ayaa iyagoo qiiraysan budh iyo faasas iyo dhagxaan nafta ooga qaaday ninkan,iyagoo ku eedeeyay inuu si kibir ah u toogtay wiil dhalinyarro ah oo ka cudur daartay inuu si
qasab-ah ku-dukaddo salaada Jimcaha.

Dhalinyarada xamaasadeysan ee ururka Alshabaab ayaa mudooyinkan lumiyay taageerada shacabka Soomaaliyeed kadib markii ay si sahal u baneysteen dhiiga qofka muslimka ah,

Video: Islaamiyiinta Somaliya oo bireynaya muwaadin Somali ah

Kooxaha Islaamiyiinta Somaliya ka dagaalama ayaa sida Filmkan ka muuqata bilaabay in ey bini`aadamka bireeyaan, iyadoo naqshadanina u muuqato in laga soo min guuriyay kooxahihii ka dagaalami jiray dalka Ciraaq.

DIGNIIN: Fadlan Ha daawan hadaad adkaysi lahayn oo aad ka naxi doontid sawirada

WARNING: please don’t watch if your heart is weak >>>

Al-Shabab oo togasho ku dishay Wal-diire

Urur isku sheega Al-Shabaab ee gacanta ku haya Gobolka J/hoose ayaa galabta 16/01/2009 meel fagaare ah ku toogtay Allaha u naxariistee C/raxmaan Xaaji Axmed Waldiire oo ahaan jiray Afhayeenkii Isbaheysiga Dooxadda Jubba ee Barre Hiiraale hoggaamin jiray.

Dilka C/raxmaan Waldiire ayaa waxay u cuskadeen Ururkaan
inuu ahaa Basaas u adeegayey wax ay ku sheegeen Caddowga gaalada Ethiopia iyo Barre Hiirale, waxayna faafiyeen in Marxuumku uu qirtay danbiguu galay lagana hayocajalad cod ah isagoo ku dhawaaqayo Ashahaadka.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in dilka Marxuumkan ay ka dhacday meel bannaan ah oo aan dadi arkeyn, waxana falkani uu soo shaac baxay saacado kadib markii la toogtay, iyadoo dad badani ay gelisay kalsoni xumo iyo cabsi hor leh oo ay ka qaadeen Maamulka Kismayo maamula.

Allaha u naxariiste C/raxman Xaaji Axmed Waldiire waxaa uu xiriir aan dhow la lahaa Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale.

Macalin Masri ah oo laga afdubay Burco oo la siidaayey.

Maxamed Mustafa Ibraahim oo ahaa Macalin Masaari ah oo lagu afduubay Magaaladda Burco ayaa xalay la sii daayay, ka dib markii ay ka hawl-galeen Siidayntiisa Odayaal iyo Wax-garadka Deegaanka ceel dheero oo ahaa goobtii lagu hayey Macalinka.

Macalinkan oo 13-kii bishan koox dablay ahi ka afduubtay Magalada Burco ayaa ka mid ahaa 7 macalin oo u dhashay dalka Masar oo dhamaantood ay macalimiin ka yihiin qaybo ka mida dugsiyada sare ee Gobolka
Togdhheer.

Siidaynta Macalinkan ayaa waxaa si gaara uga hawl galay odayaasha, Culima-awdiinka iyo wax-garadka Magaaladda Burco, kuwaasoo ergo dhex-dhexaadin ah ka galay kooxda macalinka afduubtay iyo Ciidamada nabad gelyada oo ku daba jiray meesha Macalinka lagu hayay.

Macalimiintan ayaa waxay sanadihii 2004-tii ay ku yimaadeen Dalka Somaliland heshiis ay Wasaarada Waxbarashada la gashay Dalka Masar kuwaasi oo si mutadawacnimo ah uga hawl gala Dugsiyada Somaliland oo dhan.

Macalinka ayaa markii la keenay Magaaladda Burco, waxa uu sheegay inay si wanaangsan ula dhaqmeen, wax dhibaato ahna anay u geysan kooxdii afduubka u haysatay.

Kooxdan macalinka afduubtay ayaa la sheegay inay ahaayeen ganacsato reer Somaliland ah, oo hanti lagaga dhacay dalka Yemen, hantidaas oo Xukuumadda Somaliland u balan-qaaday inay bixinayso, balse aanay waxba bixin, taasina ay tahay sababta keentay afduubka

Qazza oo Gubanaysa

Shabakadda AllBaargaal Net waxay si joogta ah idinkugu soo gudbin doontaa haddii Alle Idmo Xasuuqa Arxan darada ah ee ay Yuhuudu ku hayso Magaalada Qazza ee Dhulka Falastiin ee la gumeysto ,

Soomaalida oo walaalahood garab istaagan ayaa Banaanbaxyo ka Dhigay Magaalooyin ka tirsan Dalka Soomaaliya ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad u faro badan, kuwaasi oo ka xun dhibaatada ay Israa’iil ku heyso Dadka Reer Falastiin , Sii Daawo sawirada xasuuqa

Golaha wasiirada Puntland


Xukumada cusub ee Puntland ayaa caawa uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamuud Faroole 16 wasaaradood iyo Wasiiro iyo Wasiir ku xigeeno kowaad iyo labaad iyo wasiir dowlaha ganacsiga.

1- Wasaarada Caddaalada, Arimaha Diinta iyo Dhaqancelinta.

Wasiir C/risaaq Yaasiin C/lle

Wasiir ku xigeen
Maxamuud Siciid Xuseen

2- Wasaaradda Arimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Hormarinta Reer Miyiga

Wasiir
C/laahi Axmed Jaamac (Ilka Jiir)

Wasiir ku xigeen
Yuusuf Axmed Kheyr

Wasiir ku xigeen
Cali Yuusuf Cali Xoosh

3- Wasaarada Amniga

Wasiir
C/laahi Siciid Samatar

Wasiir ku xigeen
Cabdi Yaasiin Xirsi

4-Wasaarada Maaliyada

Wasiirka
Dr.Faarah Cali Jaamac

Wasiir kuxigeenka
Cabdi Ibraahim Warsame

Wasiir kuxigeenka
Yusuf Daahir Qodax

5-Wasaarada Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga

Wasiirka
Nuuradiin Aadan Diiriye

Wasiir kuxigeenka
Saynab Ugaas Yassin

Wasiir kuxigeenka
Cali Axmed Gamuute

6. Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Daaqa

Wasiirka
Axmed Xussen Yusuf

Wasiir kuxigeenka
Dr.Nuur Axmed Yusuf

Wasiir kuxigeenka
Cabdiweli Xirsi Nuur

7. Wasaarada Caafimaadka.

Wasiirka
Dr.Bashiir Cali Biixi

Wasiir kuxigeenka
Maxamed Xirsi Ducaale

Wasiir kuxigeenka
Maymuun Cabdi Ducaale

8. Wasaarada Warfaafinta iyo Isgaarsiinta

Wasiirka
Warsame Cabdi Shirwac (Seefta Banaanka)

Wasiir kuxigeenka
Cabdishakuur Mire Aadan

9. Wasaarada Hawlaha Guud iyo Gaadiidka.

Wasiirka
Daahir Khaliif Faarax

Wasiir kuxigeenka
Warsane Aadab Guuled

Wasiir kuxigeenka
Cabdirisaaq Cilmi

10. Wasaarada Horumarinta Biyaha

Wasiirka
Xasan Cabdi Maxamed

Wasiir kuxigeenka
Burhaan Cilmi Xirsi

11. Wasaarada Kaluumeysiga iyo Khayraadka Bada

Wasiirka
Saleebaan Ciise Axmed (Xagle Toosiye)

Wasiir kuxigeenka
Cabdikariim Saalax Cali

12. Wasaarada Haweenka iyo Qoyska

Wasiirka
Caasha Geelle Diiriye

Wasiir kuxigeenka
Xaliimo Maxamuud Maxamed

13. Wasaarada Shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada iyo Sportiga

Wasiirka
Maxamed Nuur Cagweyn

Wasiir kuxigeenka
Axmed Cigaal Cawaale
14. Wasaarada illaalinta deegaanka iyo duujoogta iyo Dalxiiska

Wasiirka
Cabdiqani Yusuf Cadde

Wasiir kuxigeenka
Cismaan Cawad Cali

15. Wasaarada Dekkadaha iyo Gaadiidka Bada

Wasiirka
Cabdirisaaq Xassan Gacayte

Wasiir kuxigeenka
Eng.Maxamed Ciise Lacle

16. Wasaarada Duulista Hawada iyo Garoonada

Wasiirka
Axmed Cilmi Cismaan

Wasiir kuxigeenka
Cabdiraxmaan Jaamac Roorshe

17. Wasiirul Dowladaha Ganasiga
Maxamuud Faarax Maxamed

Shabakada: allBaargaal Net

Sheeko Dhex martay Nin reer Laascaanood Ah iyo nin Reer Hargaysa ah

Waabaa waxaa Sheeko dhexmartay Labo Nin, oo Midina yahay Reer Hargaysa, Midka kalena kasoo jeedo Gobolka Sool.

Labadii Nin markay in Cabbaara Sheekadii wateen, bay malaha Sheekadii la gashay Diinta iyo ka hadalkeeda. Maadaama ay u bogeen Naxariista Ilaahay iyo Caddaaladda Islaamka, ayaa waxaa Ninkii Reer Sool ahaa kasoo fakatay – Isagoo Madixiisa ruxaya- Ereyga aan Maqaalkaan Mowduuca uga dhignay ee ah
[Naxariista Alle nagu mannaystay waxaa ka mida, Inta Muslin naga dhigay buu Haddana Nabi Muxammed {S.C.W} naga soo dhexsaaray].

Ninkii Reer Hargaysa oo Saaxiibkiisa Reer Sool la sheekaysanayey waxaa dhinac maray Hadalkii Saaxiibkiis, wuxuuna u qaatay inuu leeyahay Nabi Muxammed Nin Dhulbahante ah buu ahaa, maadaama uu Ninkaan Reer Laascanood sheegay in iyaga laga soo dhexsaaray, wuxuuna Saaxiibkiis ku celiyey Su’aashii isagoo leh:

“Waaryaa Hebeloow, Dee Imminka ma waxaad i leedahay Nabi Muxammed annaguu naga dhashay?”

Ninkii Reer Sool inta Qoslay oo malaha ka yaabay sida hadalku u gees maray Saaxiibkiis ayuu yiri: Haa, Nabi Muxammed annaguu naga dhashay.

kama uusan Aamusin Ninkii Reer Hargaysa Arrintii uu Saaxiibkiis ka maqlay, oo malaha wuxuu is yiri (Hubsiino Hal baa la siistaaye) alleelehe ka salgaar Su’aashaada isagoo sii waydiiyey: Waar Ninyohow Miyaad Waalantahay! oo Hadda waxaad i leedahay Nabi Muxammed Dhulbahantuu ahaa?.

Inkastoo uu Ninkii Reer sool dareemay in Saaxiibkiis lunsan yahay oo uusan Fahmin ujeedadii uu uga Dan lahaa Weedhiisa, haddana wuxuu kusii adkaystay inuu Arrinkaba ka dhigo sida danbe ee uu Saaxiibkiis u qaatay, wuxuuna ku yiri, Haa Sxb, Nabi Muxammed sidaad sheegtayba annaguu naga dhashay.

Ninkii Reer Hargaysa isagoo yaabban oo malaha maqlay Arrin aan wali Maskaxdiisa iyoMaankiisa ka daadagin ayuu yiri, Waar Ina adeerow Haddii Nabi Muxammed (S.C.W) Adinka idinka dhashay dee waa kuma Nabigayagu?.

Ninkii Reer Sool Cabbaar buu aamusay, Ul dheer oo uu watana Dhulkuu ku xarxariiqay, wuxuuna ku yiri: Saaxiibow waxaan ummalaynayaa Nabigiinii inuu Nabi Luud yahay!!.

Ninkii Reer Hargaysa Inta haddiiba soo booday ayuu yiri: Waar iga walle kaasi hadduu Nabi kasoo haro inaanaan qaadane Nabi noo sheeg ama inagu kala wad Ninyohow.

Ninkii Reer Laascaanood inta Qoslay ayuuu yiri: War sxb Nabigu ma xumayne Qoomkiisii horaa xumaa, adinkuna Qowm-kiisa danbe oo fiican baa tihiine qaado waakaas Nabigiinuye.

“Waar wallaana kaas Nabi ka dhigan wax walba hadday dhacaan, dee iga wallee waan ku Nabi la’aan haddii kaasi noqdo Nabigayga ayuu yiri Ninkii Reer Hargaysa ahaa oo ay sheekadu dhexmartay Isaga iyo Saaxiibkiis Reer Sool

W/Q/Maxamed cismaan C/nuur Xaashi

Miskiin iyo Tuug Maxaa kale qabsadey?

Beri baa waxaa jiray labo nin oo miskiin ah, waxa ay degnaayeen qol yar oo u dhaw suuqa xoolaha, qolkoodana ma oolin wax gogol ah oo ay ku jiiftaan, waxay seexan jireen dhulka. Sidey u kalahaan subaxda ayay ku soo noqon jireen qolkooda yar habeenka.

Maalin maalmaha kamid ah ayaa gaari inataree ah oo rar ku dejinayey bakhaar looga yeeray, ninkii bakhaarka lahaa ayaa ku yiri labadii nin ee miskiin ahaa Haddii aad dejisaan rarkaan gaariga saaran waxaa
idiin siinayaa jawaan bariis ah sidiina ayayna faleen. Iyagoo socodka la luudayaa, jawaankiina midba mar dhabarka ku jiidayay ayay xaafadoodii yimaadeen

Waxa ay karsadeen casho, casha kadibna way seexdeen. Saqdii dhexe goor ay ahayd ayaa waxaa aqalkoodii u soo dhacay tuug, tuugii ayaa qolkii waxa uu ka raadiyey wax uu ka qaato, nasiib darrose ma uusan arkin wa uu qaato oo aan ahayn jawaanka bariiska ah. Tuugii wuxuu ku fekaray inuu xoogaa bariis oo u qaadi karo ka shubto, wuxuu raadsi u galay maro uu ku shubto bariiska, markii uu wayay wuxuu ku shubto ayuu shaatigiisa furtay, kadibna bariiskii ayuu buuxsaday, isagoo weli ku sii jeeda jawaanka bariiska, ayaa waxaa ku soo toosay mid ka mid ay labadii miskiin, isagoo iska dhigaya ruux hurda, ayuu intuu laacay shaatiga tuuga oo u dhawaa hoostiisa gishtay oo uu qarsadey. Tuuggii ayaa markuu soo jeestay waayay shaartigiisa, intuu geesaha eegay ayuu yaabay.

Waxaa isna jabaqdii tuugga ku kacay kii kale ee hurday, markii uu arkay in tuug uu guriga dhex joogo ayuu is yiri bal saaxiibkaa toosi oo u sheeg, waxana uu bilaabay in uu si yar u toosiyo saaxibkiis isagoo leh toos tuug ayaa jooga guriga, Saaxiibkiis oo is moogaysiinayana waxa uu ugu jawaabay tuug ma joogee naga seexo markuu sidaas ku cel celiyey dhowr jeeer ayaa tuugii hadlay markuu is celin waayey oo yiri haddaan tuug joogin guriga yaa qaatay shaatigaygii?

Follow

Get every new post delivered to your Inbox.